Washington(ANN)-Dr. Sacad Sh. Cismaan Nuur oo ka mid ah Aqoonyahanka Somaliland ee degan dalka Maraykanka, isla markaana khabiir ku ah taxliilka arrimaha Mandaqada geeska Afrika, Bariga dhexe, Bariga dhexe, Carabta iyo dunida Islaamka, ayaa ka dayriyay xaalada Bulshada Somaliland ee ku dhaqan Qurbaha, wuxuuna ka digay in haddii kala qaybsanaanta Bulshada qurbaha ee u dhashay Somaliland ay carqalad ku noqonayso hamigii, hankii iyo himiladii la doonayay in la gaadhsiiyo dalkan.


Dr. Sacad, oo khudbad u jeediyay Jaaliyada Maraykanka ee Somalialnd, wuxuu ka sheekeeyay xaaladihii uu soo maray halgankii lagu xoreeyay Somaliland iyo doorkii ay ku lahayeen dadka qurbaha, sidoo kale wuxuu soo qaatay ururadii laga sameeyay qurbaha iyo doorkii ay ku lahaayeen dib-u-dhiska dalka iyo xaalada maanta ay ku sugan yihiin dadka Somaliland ee qurbaha oo uu sheegay inuu ka adkaysan-waayay inuu ka hadlo halka maanta wax marayaan iyo sida ay u kala qaybsameen.


Sidoo kale, wuxuu xusay Ururadii laga sameeyay Maraykan, Yurub iyo Kenada ee doorkoodu ahaa dib-u-dhiska dalka iyo citiraaf-doonka, wuxuuna tusaale usoo qaatay, SOPRA1 iyo SOPRA2, (Somaliland International Democratization Support Strategy) oo ay sameeyeen Quraba-jooga Somaliland, balse waxa uu xusay in wixii ka danbeeyay mudadii ay shiiqeen labaduba ay xilligan u muuqato in quraba-jooga Somaliland si weyn u kala qaybsameen, isagoo kala qaybsanaantaa ku tilmaamay in ay sabab u tahay qabyaalad kala jihaysay, wuxuuna ka digay dhibaatada ay arrintaasi ku yeelan-karto qaranimada Somaliland.


“Rayiga iyo afkaarta waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waxa inaga dhexeeya ee lagama maarmaanka u ah inaynu ilaalino ee Jawharada ah waa Somaliland, Dadka Qurbuhu maanha inay wixii ay ku guulaysteen dib uga gurtaan, dib u gurashadu waa dayacaad.” ayuu yidhi, Dr. Sacad Sheekh Cismaan oo aan horre looga baran inuu meel fagaare ah kaga hadlo arrimahan siyaasada Somaliland, balse inta baddan ka mid ah dadka faaqida, ama ka faallooda arrimaha Mandaqada geeska Afrika, Bariga dhexe iyo dunida Islaamka.