Araweelo News Network

“Maxamuud waxa sugaya Madaarkii Burco ee uu gacantiisa ku xidhay, balanta iyo Axdiga isagaa ka baxa, mana jirto meel Madaxweynuhu Axdi Iyo balan kula galay” Wasiir Gaafaadhi.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Qorshaynta Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dhawaaq kasoo yeedhay wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu kaga hadlay saluug uu ka muujuyay shirweynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE.

Dr. Gaafaadhi oo ah Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, Isla  markaana ah Xilligan Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, oo warbaahinta la hadlay shalay. Isagoo daba socda dhawaaqyo kasoo yeedhay Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo la xidhiidhay shirweynaha Afraad ee xisbigaa oo la mudeejay horaanta bisha October, wuxuu sheegay in hadalada kasoo baxay Maxamuud Xaashi aannay ahayn kuwo ku haboonaa Inay afkiisa kasoo baxaan Nin masuul ah oo weliba doonaya inuu Dalka hoggaamiyo.

Wasiir Gaafaadhi, wuxuu sheegay in aannu ka jawaabay. Ereyada kasoo baxay Maxamuud Xaashi ee ku waajahnaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kuwaas oo uu sheegay in ay ahaayeen Aflagaado, sidaa awgeed aannu isagu Xasan ahaan ka difaacayn Madaxweynaha, isagoo yidhi. “Cayda Nin leh ayaa iska leh, anigu Madaxweynaha kama difaacayo. Balse waxan sheegayaa Madaxweynuhu in aannu is bedelin ee uu yahay kii shalay Maxamuud Sheegayay.  Waxaanse filayaa Maxamuud ayaa is bedelay oo muraayadda iska arki waayay, markaa Madaxweynuhu waa kii Maxamuud ayaa is bedelay.” ayuu yidhi

Wasiirka Qirshaynta Xasan Gaafaadhi, wuxuu sheegay inuu ka hadlayo oo keliya arrinta Xisbiga KULMIYE Iyo dooda Maxamuud Xaashi ee Guddoomiyaha Xisbigaa  isagoo xusay in aannay jirin meel heshiis lagula galay Madaxweyne Biixi inuu guddoomiyaha Wareejiyo marka loo doorto xilka Madaxweynaha, sidoo kale wuxuu sheegay in aannu jirin xeerka Xisbiga Qodob sidaa dhigaya, “Ma jirto meel Madaxweynaha lagula galay heshiis inuu guddoomiyaha Xisbiga wareejiyo  xeerka Xisbigana kuma qorana, haddii Maxamuud hayo hasoo bandhigo, haddiibase la wareejinayo yaa lagu wareejinayaa, yaa u Boqoran, iyana waa Su’aalo kale.ayuu yidhi  Xasan Gaafaadhi.

 

Wasiir Gaafaadhi, ayaa sheegay in aannay Bulshada Somaliland ahayn kuwo daasado loo garaaco. Wuxuuna ku tilmaamay Maxamuud Xaashi Nin daasado u garaacaya dad garanaya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in tanaasul baddan loo sameeyay Maxamuud oo Madaxweyne Biixi u sameeyay, Isla markaana aannu filayn inuu yahay Nin Xisbiga dhexdiisa ka dagaalamaya, balse uu yahay Nin Madaar kale oo Aan KULMIYE ahayn doonaya inuu ka dego.

Halkan Ka Daawo Dr. Xasan Gaafaadhi oo ka hadlaya Arrimaha.