Hargeysa(ANN)-Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf oo laba jeer soo noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, isla markaana lagu tilmaamo inuu yahay masuul aqoonta uu caafimaadka u leeyahay wax badan kaga qabtay dhismaha Wasaaradda mudadii uu joogay, gaar ahaan xilligii xukuumaddii Madaxweyne Cigaal, balse mar kale xukuumadda Madaxweyne Muuse u magcawday walaw uu muddo yar joogay, ayaa ka hadlay xaaladda xannuunka COVID-19, ee xilligan Somaliland.

Dr. Xasan, waxa uu xusay in xannuunka Covid-19, ee ku faafay bulshada Somaliland dhexdeeda aan la xaqiijin karin heerka uu ka marayo, isagoo dhinaca kale xusay in hawl-waadeennada caafimaadkuna ay ku dedaallayaan inta awooddooda ah inay xakameeyaan faafitaankiisa, balse marka la eego nidaamka caafimaad ee Somaliland uu saamaynta xannuunkani ka awood badan yahay.

Sidaa awgeed Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, wuxuu wuxuu warqad furan oo kaga digayo khatarta ka dhalan karta haddii cudurkani ku faafo dalka u diray Beesha Caalamka, isagoo xusay in xannuunka saf-marka ah ee Coronavirus muddo kooban kaga awood badan karo nidaamka caafimaad ee dalka haddii aanay beesha caalamku taageero wax-ku-ool ah la soo gaadhin Somaliland.


Dr Xasan Ismaaciil, wuxuu ciwaan uga dhigay warqada uu ku socodsiiyay beesha caalamka, “Covid-19 iyo Somaliland: Codsi Shaqsiyeed oo ku Socda bulshada Caalamka”, waxayna u qornayd sidan:-


“Xogta Tirakoobka Covid-19 ayaa weli ah kan ugu hooseeya Geeska Afrika marka la eego xaaladaha la xaqiijiyay ee cudurka iyo sidoo kale dhimashada uu sababay. Somaliland ilaa iyo imminka waxay la tacaashay Saf-markan, iyada oo aan kaalmo badan ka helin dunida inteeda kale.
Si kastaba ha noqotee waa muhiim in la tilmaamo in ay umuuqato in fayrasku biyo-dhigtay Somaliland oo ay u badan tahay inuu mar horeba ku faafay bulshada dhexdeeda.


Hawl-wadeennadayada Caafimaadku waxay qabanayaan shaqo aad u weyn iyagoo isku dayaya inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodi karaan iyagoo ku dedaalaya sidii ay ula tacaali lahaayeen Xannuunkan saf-marka ah.
Haddii sida ay hadda wax u socdaan xaaladdu ka sii darto, waxa hubaal ah in xaaladdu faraha ka bixi doonto oo xannuunku muddo kooban kaga awood badan doono nidaamkayaga Daryeelka caafimaadka, iyadoo ay badan doonto geerida dad badan oo muwaadiniintayada ah haddii aanay beesha Caalamka laga helin gargaar deg-deg.


Nidaamyada daryeelka caafimaad ee qaar ka mid ah waddammada ugu awoodda badan ee dunida 1aad sida Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo kuwa kaleba, waxa khalkhaliyey sida ay ula tacaalayeen masiibadan. Waxaad qiyaasi kartaa waxa uu ku samayn karo waddan ka tirsan dunida saddexaad oo aan wali helin Aqoonsi caalami ah.


Fadlan tirada ku darso Somaliland in aannay ka mid ahayn Soomaaliya, isla markaana ay tahay in loola macaamilo sidii dal madax bannaan oo gooni ah. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa inay Somaliland la hayste ay beesha caalamka ku baadhato u sii ahaato, iyadoo ku andoocanaysa inay qayb ka tahay dawladdeeda Federaalka, ka dib ku dhawaad muddo S​oddon sanno oo aanu haysannay madax-bannaanidayada aannu dib ugala soo noqonay midowgii fashilmay ee Soomaaliya.


Waxaan jeclaan lahaa inaan ka codsado bulshada caalamka iyo quwadaha adduunka inay taageero u fidiyaan ​​Somaliland ka hor inta aannay xaaladdu faraha ka bixin.” Sidaas ayuu ku yidhi, warqad furan oo Dr Xasan Ismaaciil beesha Caalamka u diray.