dubabadaWarbixin Wararkii u danbeeyay ee Yemen: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Aden(ANN)Malyshiyada Xuutiga iyo ciidamada Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen Cali Cabdla Saalax, ayaa la wareegay caawa inta baddan magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta oo ah magaalada Labaad ee dalka oo malayshiro taabacsan mdaxaweyne Abdrabo Mansour Hadi ka dagaalamaysay maalmahan.
Dubaabadaha Xuutiyiinta iyo Ciidanka Cali Cabdalla Saalax, ayaa gudaha u galay Khoormaskar oo ka mid ah ah Cadan, halkaas oo ay ku yaaliin xarumaha dawlada inta baddan iyo madaarka Caalamiga ah ee Cadan.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Cadan, waxa bilaabmay inay dadku ka qaxaan magaalada, iyadoo boqolaal ajaanib ah ay doonayaan inay Maraakiib ka fuulaan dekeda Cadan oo u muuqata Khoormaksar, balse waxa jira malayshiyo weli dhinaca Crater ka dagaalamaya, kuwaas taabacsan Madaxweyne Hadi.
Tallaabada Xuutiyiintu kula wareegeen magaalada Cadan, ayaa kusoo beegantay, iyadoo duqaynta dhinaca Cirka ee lagu hayo xuutiyiinta iyo Ciidamada taacabsan Cali Cabdalla Saalax ee dawlada Sucuudigu hormoodka u tahay oo gashay maalintii 7aad ay soo waajahay canbaarayn caalami ah, iyadoo dalalka Midawga Yurub si weyn ugu canbaareeyeen duqaynta aan loo aabo yeelin dhinaca Cirka. Kadib markii Xeryo Qoxooti, Goobo Caafimaad, guryo dad shacab ah leeyihiin iyo wershedo lala beegsaday duqaynta dhinaca Cirka ee xulufada Sucuudigu ku wado maalintii todobaad dalka Yemen, gaar ahaan dhinaca Woqooyiga, Koonfurta iyo xadka dhinaca Woqooyi ee ay wadaagaan Sucuudiga iyo Yemen, halkaas oo malayshiyada Xuutiga iyo Ciidamo u daacad ah Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax saldhigyo muhiim ah ka samaysteen.
Haweenayda Midawga Yurub u qaabilsan siyaasada Dibadda Federica Mogherini, ayaa sheegtay inay Midawga Yurub ka digayaan saamaynta duqaynta cirka ee Sucuudigu hoggaaminayo ku yeelatay shacbiga aan waxba galabsan ee Yemen.
Waxay sheegtay inay ka digayaan saamaynta ay duqaynta ku yeelatay dadka shacabka ah ee Yemen oo ay qayb ka yihiin Caruurta iyo dadka kale ee shacabka ah iyo dagaalka malayshiyaadka ee sii socda.
Federica Mogherini iyo Christos Stylianides oo u hadlay Guddida Caawimooyinka Bina’aadanimo e EU, waxay qoraal ay wada jir usoo saareen 1 April 2015, ku shegeen in dhibaatada dadka shacabka ah ay ka digayaan oo xaalada nabad lagu soo dabaalo, iyadoo dhinacyada wadahadal loogu baaqo, waxayna tusaale usoo qaateen xerada qoxootiga ee ku taal dhinaca Woqooyiga ee al-Marzaq refugee camp oo ugu yaraan 29 qof ku dhinteen duqayn dhinaca Cirka ah Isniintii.
Duqaynta ayaa sababtay khasaare dad shicib ah iyo goobo wax soo saar oo la burburiyay, kuwaas oo ay ugu danbaysay wershed dhinaca Xudayda ee Woqooyiga ku taal oo dhulka lala simay. Sidoo kale shalay ayaa la duqayay xarumo dad shicib ah iyo xeryo qoxooti oo ku yaal dhinaca xadka sucuudiga u dhow.
Dalalka carabta, ayaa ku kala qaybsan talaabada duqaunta, iyadoo 225 Diyaaradood oo ay leeyihiin dalalka Sucuudiga, Kuwait, Qadar, Baxrayn, Sudan,Imaraadka iyo Morroco iyo dalka Masar oo Maraakiib dhinaca Badda soo dhigay, ayaa duqaynta ka qayb qaadanaya, iyadoo dawlada Sucuudigu xadka dhinaca Yemen soo dhoobtay 150,000 askari, kuwaas oo laga cabsi qabo haddii ay isuku dayaan inay guddaha u galaan dalka inay khasaare weyn la kulamaan, waxay Malayshiyada Xuutiga iyo Ciidanka Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax awooda saareen dhinaca Woqooyiga oo ay ka samaysteen goobo istiraatiiji ah iyo dhinaca Magaalada Cadan oo ay inta baddan la wareegeen. Kadib dagaal ay intii duqayntu socotay ku siqayeen magaaladaa iyo magaalooyinka kale ee dhinaca koonfurta.
Waxa muuqata in aan duqaynta dhinaca Cirka waxba ka beddelin xuutiyiinta iyo Ciidanka Madaxweynihii hore Cali Cabdalle Saalax ee weli kusii fidiya magaalooyinka waaweyn ee dalka, waxayna qabsashada magaalada Cadan ahmiyad weyn u leedahay istiraatiiji ahaan dagaalka ay wadaan xuutiyiinta iyo xulufada Ciidanka Cali Cabdalle Saalax, iyadoo dhabar jab ku noqonay isbahaysiga Sucuudiga iyo Madaxweynaha xukunka laga tuuray ooh ore uga cararay halkaa Cabdrabbo Mansour Hadi.
Dadka ka qaxaya Yemen, ayaa qaarkood u gudbeen dhinaca Dalka Djibouti iyo Somaliland ee ay xadka dhinaca badda ka wadaagaan, kuwaas oo kasoo talaabay gacanka Cadmeed.
Xaalada Yemen, waxay wajaahday waddo adag oo aan la ogayn halka ay ku dhamaanay, waxana dagaalka Yemen oo wejiyo baddan leh ku dagaalamaya siyaasado ay hormood u yihiin Sucuudiga Iyo Iran, balse tallaabada dhinaca Cirka ee duqanta sucuudigu hormoodka u yahay, ayaan waxba ka beddelin xaaladda fowdada kusii socota, waxa keliya ee ay sii hurisay dagaalka ka socda dhulka.
Warbixin Wararkii u danbeeyay ee Yemen: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews