Warbixin Araweelo News Network
Dunida Islaamka Oo Lagaga Dhawaaqay Munaasibadda Ciidal Udxa

suuqaharegysa

Muuqaalka mid ka mid ah Suuqyada ugu waaweyn Hargeysa ee Dharka iyo Allaabooyinka kale

Hargeysa(ANN)Dunida Islaamka ayaa lagaga dhawaaqay in maalinta Beri oo Taariikhda Islaamka Dul-Xijjah 10 1436 Khamiis, isla markaana ku beegan 24 Sep 2015, laga Ciidayo munaasibada Ciidka Udxa.
Somaliland Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee Xisbul Xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI,Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shacbiga ugu hanbalyeeyay munaasibada Ciida, waxayna Alleh uag baryeen inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo Badhaadhe.

muuqaalka qaarkamid ah dukamada saxmada ahaan jiray xiligan oo kale

muuqaalka qaarkamid ah dukamada saxmada ahaan jiray xiligan oo kale

Hase Yeeshee Madaxtooyadda Somaliland, ayaa dhanbaal kooban oo qarqarbo iyo qabyo baddan ka muuqato, isla markaana aan xanbaarsanayn nuxur baddan goor danbe warbaahinta u bariyay bulshada, kaas oo aanay ka muuqan waxyaabo bushaarooyin cusub ah, ama yididiilo iyo rajo ku waajahan duruufaha dhinaca dhaqaalle iyo nolosha ee Bulshada oo u muuqda kuwo aanay waxba kala socon Madaxweyne Somaliland Axmed Siilanyo iyo Kooxdiisu.Eid-Mubarak-Greetings-Cards-2012-01

Dhinaca kale munaasibada Ciida Udxa, ayaan dhaq-dhaqaaq iyo saxmad laga dareemin suuqyada ganacsiga Somaliland oo maalmihii aan la arkayn xarakaad iyo saxmad sida hore u dhici jirtay marka xiliyadan oo kale munaasibadaha Ciida ay soo dhowaadaan, kuwaas oo suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka waaweyn ee dalka ka dhigi jiray cidiidhi maamlaha ka horeeya munaasibada ilaa habeenka ugu danbeeya.
Qaar ka mid ah dadka ganacsiga badeecaddaha ugu baddan xiliyada munaasibaddaha Ciida iibin jiray, yaa ku tilmaamay sanadkan kii ugu xarakaadka yaraa ee soo mara, waxayna arrintaa sabab uga dhigeen durruufaha dhaaqaalle iyo Nollosha oo ay ku tilmaameen mid sii adkaanay.
sidoo kale dadka ka gacansada Sayladaha Xoollaha oo xiliga Xajka Xoollaha ugu baddan Somaliland u diri jirtay dhinaca dalka Sucuudiga, ayaa sheegay in aan sanadkan la dirin xoollo baddan, narka loo eego sanadkii u danbeeyay, isla markaana waxay arrintan sababtay in qiimaha Neefka Xoollaha uu hoos u dhaco, marka loo eego sanadkii u danbeeyay ee Xajkii kal hore Dul-Xijjah 1435, marka laga reebo maalmihii u danbeeyay oo qiimaha Xoollaha Seyladaha kor u kac ku yimi, waxayna dhamaan arrimahaa iyo kuwo kale noqdeen kuwo saamayn ku yeelashay nollosha dadka Somaliland ee u baddan Xoollo dhaqatada iyo Iibka Xoollaha oo Somaliland ugu jira Isha dhaqaalle ee ugu weyn.
waxa kale oo hoos u dhaca qiimaha Xoollaha ee Seyladaha sanadkan lala xidhiidhiyay dagaalka dhinaca Dalka Yemen oo saamayn ku yeelan jiray suuqyada iyo Seyladaha Xoollaha, iyadoo xiligan oo kale Xoollo baddan dhinaca dalka Yemen loo rari jiray.

Dhaman arrimhaa iyo duruufaha dhaqaalle ee soo waajahay Bulshada Somaliland, ayaa sababay in suuqyada ganacsiga iyo Badeecadaha xilligan oo kale suuqyada ka dhigayay saxmadu aanay jirin, isla markaana duruufaha dhinaca Nollosha ee mudadii Xukuumadda Nadaxweye Siilaanyo Bulshada u qaybiyay laba dabaqadood sababaan in aanay Kumanaan qoys maanta awoodin inay Ciidsiiyaan Caruurtooda, ama ay Udxada gawracaan, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta Xukuumaddiisu aanay waxba kala soocon nollosha bulshada iyo duruufaha dhinaca dhaqaalle ee ay sababeen inta baddan labada dabaqadood ee ay u qaybiyeen Bulshada, balse waxay taas bedelkeeda ku mashquulsan yihiin gaadiidka raaxda ee ay sida xoollaha u dhaqdeen masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo iyo Boobka dhaqaallaha yar ee shacbiga Saboolka ah.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews