Araweelo News Network
engmaxamed-xaashi
Hargeysa (ANN)Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ku baaqay in dalka laga saaro hay’addo uu sheegay inay magaca Soomaaliya ku joogaan Somaliland.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu xusay hay’addo iyo dawlado uu ka tilmaamay Ingiriiska inay caasimadda Somaliland iyo magaalooyin kale oo dalka ah ku degan yihiin magaca Soomaaliya, sidaasi darteedna waxa ku baaqay in laga saaro dalka ama ay ogolaadaan jiritaanka Somaliland oo ay magaceeda ku joogaan.
“Ictiraaf-raadin baa laga hadlaa, dalkeena hay’adduhu waxay ku degan yihiin Hargeysa magaca Soomaaliya, markaynu ictiraaf raadinayno horta iyaga ayeynu odhan lahayn naga baxa ama magacayaga qaata, hay’adahaasi iyo dawladdahaasi halkan fadhiya (degan dalka) waxa ka mid ah Ingiriiska oo ah kii xorriyadda inna siiyey, markii aynu innagu xornimada helnay Afirkaba shan dawladood oo keliya ayaa xor ka ahaa oo kala ahaa; Itoobiya, Koonfur Afrika, Gaana, Masar iyo Suudaan, innaguna dalka lixaad baynu ahayn oo inta kale oo dhan dalalka Afrika waynu ka horreyn, kolkaa dadkii xorriyadeena bixiyey ayaa xaqeennii duudsiyaya oo Ingiriisku ka mid yahay, Maraykanku ka mid yahay, waayo hay’addaha halkan Hargeysa ku degan magacii Soomaaliya waxay duudsiyeen xaqeennii, waxaannu leenahay idinka yeelimayno ee magaca Somaliland ku jooga ama naga baxa, waanuna ku adkaysanaynaa inay baxaan, innaga Soomaaliya la innama yidhaa ee dad baa innagaga dhintay oo dagaal baynu u soo galnay, magaalooyinkii baa innagaga dumay, wax aynu aqbali karno maaha.

Waxay caado u leeyihiin meeshay nabadi ka jirtaba inay burburiyaan oo tii bay ku joogaan oo waxa inoo keenay ee ay u leeyihiin Soomaaliya ayaanu ku joogaynaa waa nabadda oo ay burburinayaan, laakiin ka yeelimayno oo waxaannu leenahay ama Somaliland aqbala ama naga guura, xaq baanu idiinku leenahaye ee labadaa kala doorta,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi oo ka hadlayey shir jaraa’id oo siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashiga iyo Toosintu ku qabteen Hargeysa shalay, waxaannu intaa ku daray baaq uu u diray dawladda Somaliland, “Dawladda, Baarlamanka iyo xisbiyada iyagana waxaannu leenahay waar magaaladeenii baa lagu fadhiyaa magaca Soomaaliya ee in aynu ka dhiidhinno miyaanay ahayn, maxaa innaga qaaday xaq raadiskii?”

Sidaasiga Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay in dalka Somaliland isku filan yahay oo aannu baahnayn dhaqaale baryo ah, isagoo dhaliilay wadahadallada Somaliland la wado Soomaaliya ee ay ku hoos jiraan danaha dhaqaale ee dalal beesha caalamka ka mid ahi isugu xidhaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Eng. Xaashi waxa uu tilmaamay in dhaqaalaha Somaliland ku baxo si macno-darro ah, waxaannu “Dhaqaale haddii aynu doonayno 58 wasiir baynu leenahay, dawladdaa yari miyey u baahan tahay 58 wasiir? Uma baahnin, shaqaalaha tiradoodii way badatay oo wax ka yar 7,000 (toddoba kun) baa loo baahan yahay, laakiin markii laga dhigay 16,000 (lix iyo toban kun) xataa labada galin kala shaqeeya lama odhan. Wax alla wixii dalkan dantiisa ahaa waa laga leexday, haddaad eegtaan miisaaniyadda 2016 boqolkiiba 61% ayaa ku baxa wax aynaan u baahnayn oo khasaare ku ah dalkeenna. Waxaannu leenahay dhaqaalaheenna aynu hagaajisanno wuu innagu filanyahay dalkeennu, baahi ma qabno ee magac-xumada innaga daaya (masuuliyiinta dawladda), waxay ku odhanayaan dawladda yar sabool ah oo aan la aqoonsan oo curdin ah ayeynu nahay, waar Ilaahay innagama dhigin sabool ee innaga ayaa iska dhignay, maamul-xumadeenna ayaa dhashay saboolka.”