araweelonews-300x168Hargeysa(ANN)Ergada uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo ku dhawaaqay maanta go’aanka dhex-dhexaadinta. Kadibmarkii ay muddo todobaad ah qaadatay xal u helida Khilaafka golaha wakiiladda Somaliland.
Go’aanaka Ergada dhex-dhexaadinta oo saaka lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, waxa lagu laalay mooshinka la doonayay in xilka lagaga qaado guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale waxa lagu soo qaaday in laga saaro Laaxinka Xeerka Diiwaabgelinta Medeniga ah oo ay mudanayaasha doonayay in ay xilka ka qaadan Guddoomiyaha u cuskanayeen sababaka ay xilka uga qaadayaan, iyagoo ku eedayay inuu gudbiyay wax ka duwan qodobadii xeerkaa ee goluhu u codeeyay.
Waxa sidoo kale go’aanka lagu sheegay in golaha wakiiladdu wato hawshiisa, isla markaana meesha ka saaro wixii khilaaf ah ee jira, balse waxa aan lagu soo darin go’aankaa sii deynta Xoghayihii Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo la filayay in lagu soo qaado go’aanka ergada dhex-dhexaadinta.
Madasha lagaga dhawaaqay go’aamada waxa goob joog ka ahaa dhinacyada uu golaha wakiiladu u qaybsamay oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiye Xigeenka Koowaad Baashe Maxamed Faarax, waxayna labada dhinacba soo dhoweeyeen go’aamada ay soo saareen Ergada Guurtidu.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com