Kay

Hargeysa(ANN)Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Sir. Nicholas Kay, ayaa ka hadlay dareenkooda ku waajahan isbedelka Siyaasada Somalia. kadib markii Baarlamaanku xilkii ka qaaday Raysal Wasaare Cabdiweli oo khilaaf weyn oo u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia Xasan uu sababay inuu waayo xilkiisa.

Sir. Nicholas Kay oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, wuxuu ka hadlay waxa looga baahanyahay Baarlamaanka iyo Dawlada Federaalka, isagoo yidhi, “Soomaaliya waxay hadda u baahantahay midnimo siyaasadeed ee dhexmarta hay’addaheeda iyo madaxdeeda iyo marxalad dheer oo xasilloon. Dowladda Federaalka iyo Baarlamaankaba waxaa sugeysa shaqo muhim ah oo degdeg ah si ay gacan uga geystaan inay Soomaaliya gaadho horumar dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha inta lagu jiro kow iyo labaatanka bilood ee ka hadhay xilkooda. Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxay ku hanweynyihiin in dhowaan la sameeyo xukuumad loo wada dhanyahay laga wadaqaybgalo.” Ayuu yidhi.

Sir. Nicholas Kay, wuxuu ka digay qalalaase mar kale ay gasho Somalia, wuxuuna tilmaamay tallaabooyinka ku waajibka ah inay qaaddo Xukuumadda Somalia, wuxuuna usoo jeediyay Baarlamaanka waajibaadka looga baahanyahay, isagoo yidhi, “Waxaan rajeynayaa, marka Xukuumadda la dhiso, in madaxda Soomaaliya ay isla gaadhi doonaan heshiis ku aaddan sidii looga hortagi lahaa qalalaaso sidaas oo kale ah iyo xasillooni darro dhacda mustaqbalka.Waxaan ku faraxsanahay in Baarlamaanka Federaalka ay hadda suuroobi doonto inuu maalmaha soo socda diiradda saari doono dejinta shuruucda muhimka ah si uu u suurtoobo isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan sharciga dhisaya Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee Doorashada iyo Guddiga Xudduudaha iyo Federaalka.”

Wakiilka Qaramada Midoobay, wuxuu ka hadlay mawqifka Qaramada Midoobay ee Somalia xiliggan isbedelka siyaasadeed ka dhacay iyo dhibaatada ugu weyn ee dhismaha Maamul goboleedyada Somalia, wuuxuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,“Qaramada Midoobay waxa weligeed ka go’an inay la shaqeyso Dowladda Federaalka iyo dadka iyo madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaadho ujeeddooyinka lagu qeexay Dastuurka Ku Meelgaadhka ah, Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya iyo Aragtida 2016. In la dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedyada federaalka ah ayaa ah caqabad weyn oo loo bahanyahay in laga gudbo toddobaadyada soo socda.

Sidoo kale Sir. Nicholas Kay, wuxuu usoo jeediyay Madaxda iyo hoggaamiyayaasha Somalia inay oggaadaan ahmiyada ay dhismaha qaranka u leeyihiin Haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tira badanyahay, kuwaas oo sida uu sheegay u baahan in la siiyo fursad ay kaalin buuxda kaga qaataan hanaanka iyo geeddi-socodyada siyaasadeed ee la doonayo in la suurta geliyo.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com