Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan iyo Saylici Mr Raisedon ZenengaSomaliland: Hargeysa(ANN)Sarkaal lagu magacaabo Mr Raisedon Zenenga oo ah ku Xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somaliland iyo Somalia, ayaa ka hadlay dareenkiisa 22 sanadood kadib muuqaalka ay Somaliland leedahay, isagoo u eegaya 22 sanadood ka hor 1993, oo ku beegan markii Somaliland dib ula soo noqotay madax-banaanideedii ee lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18 May 1993.
Mr Raisedon Zenenga and Behi Yonis
Mr Raisedon Zenenga oo booqasho ku jooga Somaliland, wuxuu sheegay inuu waqtigaa shaqaale hoose ka ahaa Hay’addaha qaramada midoobay ee ka hawlgelayay Somaliland xiligaa, isla markaana uu kusoo laabtay 22 sannadood kadib, isagoo ah Ku Xigeenka Ergayga Khaaska ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia iyo Somaliland, wuxuuna sidaa ka sheegay kadib kulan uu maanta ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo qasriga Madaxtooyadda.

Muuqaalka Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo  ku xigeenka ergayga qaramada Midoobay ee Somalia?

Kulankaa, ayaa ahaa mid aanay warbaahintu waxba kala socon oo ay dibedda ka joogtay, balse markii uu dhammaaday, wuxuu Mr Raisedon Zenenga oo warbaahinta si kooban ula hadlay sheegay in ay dalka Somaliland ay ugu danbaysay sanadihii 1992 ilaa 1993-kii, wuxuu sheegay in xiligaa oo uu ka shaqayn jiray UN-ka, isla markaana dagaalo ka socdeen magaalada Muqdisho, balse waqtigaa dheer ka dib Somaliland ku soo noqday maanta, isagoo yidhi, “waxa uu muuqda waqti dheer kadib oo aan kusoo laabtay halkan Somaliland inay samaysay horumar balaadhan oo dhinacyada, Nabadgelyada, Waxbarashadda, Caafimaadka, Dhismayaasha, Arrimaha kaabayaasha dhaqaallaha, taasina waxay tahay wax lagu farxo, qaramada midoobayna ay diyaar u tahay in ay idin barbar istaagto oo sidii ay horeba idiinla shaqayn jirtay iyo si ka wanaagsan idiinla shaqayndoonto.” Ayuu yidhi Mr Raisedon Zenenga oo sawirayay is bedelka uu arkay ee Somaliland.

Sidoo kale waxa kulankaa ka dib warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, wuxuuna ku tilmaamay kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo ku Xigeenka Ergayga arrimaha Somalia ee Qaramada Midoobay mid labada dhinac kaga wada hadleen sidii ay u sii kobcin lahaayeen una balaadhin lahaayeen wada shaqaynta Somaliland iyo Qaramada Midoobay ka dhacaysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa kale oo uu sheegay inay ka wada hadleen dhinacyada dhaqaallaha, horumarka, arrinkii Doorashooyinka oo sida uu sheegay xiligan dhamaaday. Kadib goaankii maxkamadda sare kusoo afjartay iyo arrimo kale oo aanu xusin.

Kulanka waxa Madaxweynaha ku weheliyay, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”, Wasiirka Caafimaadka, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Mudnae Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews