ca232a18-04a0-4856-b1d7-69e8fe648db3-620x372Aden(ANN)Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalka Yemen Jamal Benomar ayaa iskacasilay xilka. Kadib markii dhegaha laga  furaystay soo  jeeedinta qaramada midoobay marar baddan ku baaqday in la joojiyo dagaalka’ isla markaana dhinacyada ku dagàalamaya wadahadal isugu yimaadaan.

warar lagu baahiyay Aljazeera, ayaa lagu  xaqiijiyay is casilaada Ergayga qaramada midobay ee  Yemen.

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo uu sii kordhayo loolanka siyaasadeed ee  xulufada Sucuudiga I yo dhinaca kasoo horjeeda dumaynta dhinaca cirka ee  Sucuudigu ku ha yo Yemen oo ay dawlada Iran hormood u tahay.

 

Waxàana hadda isku màandhaafay Arrinta Yemen Raysal Wasaaraha Iraq  Haider Al-Abadi, ayaa si kulul u weeraray duqaynta Sucuudiga ee Yemen, wuxuuna sheegay inuu qoraal arrintàa ka hadlaya u gudbiyay xukuumadda Washington, balse sarkaal lagu  magcaabo Alistair Baskey u hadlay Washington, ayàa sheegay in aanay  Raysal aware Abadi iyo Madaxweyne Obama ka wadahadlin arrinta dalka Yemen.

Arrintan ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex abuurtay Washington I yo Al Abadi oo xulufo ku ah dagaalka suniyiinta ISIS, iyadoo dhinaca Yemen kooxda Shiicada ee  dalalka Sucuudigu hormoodka u yahay ku wadaan duqaymo dhinaca cirka ah, balse waxay u muuqataa inay hada taasi is xulufaysigii hore iyo xaalada mandaqada bariga dheiyo  iyo khaliijka waxbadan ka be delay.