Araweelo News Network

Aadan Muuse Jibriil

Hargeysa(ANN)-Ergaygii Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsanaa Ururka Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD danjire Aadan Muuse Jibriil, ayaa iska casilay xilkaas, isagoo banaanka soo dhigay sababaha keenay inuu xilkaas iska casilo.

Qoraalka is casilaadda ah oo uu Danjire Aadan Muuse Jibriil u soo gudbiyay madaxweyne Biixi, islamarkaana uu ogaysiin siiyay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, oo Wargeyska Geeska Afrika nuqul ka mid ah lagu baahiyay, wuxuu ku sheegay inaanay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland lahayn qorshe iyo jaangoyn ku salaysan dalalka dunida ee ay Somaliland xidhiidhka la yeelanayso. Arrimaha kale ee uu soo bandhigay ee sababta u noqday inuu is casilo waxa iyana ka mid ah shirkadda maalgashi ee Somaliland ee dhawaan laga sameeyay dalka UAE taas oo uu ku tilmaamay arrin fadeexad ah oo qof damiir leh oo waddani ahi aanu qaadan karin.

Warqadda is casilaadda ah oo uu danjire Aadan Muuse Jibriil, madaxweyne Biixi u soo diray 09/03/2018 ayaa u qornayd sidan: “Mudane Madaxweyne; Markaan yaqiinsaday in aan keli ku ahay fekerka iyo qaabka-hawleedlka loogu baadigoobi karo aqoonsiga Somaliland, kaas oo ka duwan kan caadiga ah ee ku salaysan in madax shisheeye lala kulmo, ayada oo aan lahayn qorshe iyo jaangooyo, iyo kala mudnaan dalalka dunida, iyo ayada oo aan laga fekerin dib-u-eegid iyo wax ka bedelid lagu sameeyo siyaasadda Arrimaha Dibedda, taas oo 27kii sannadood lagu socday oo ila haddana waxba dhali weeyday, markii la iibin kari waayey guulaha taariikhiga ah ee laga gaadho dalka gudahiisa.

Tusaale ahaan, markii aan bishii June 2016 Hargeysa keenay shirkii cilmibaadhista ahaa kuna saabsanaa midaynta labada qaab ee dhisma-maamuleed ee Africa “The hybrid political and Security governance in Africa” oo aannu xoog weyn ku bixinay aniga iyo Akademiyada Nabaddu. Kaas oo ay ka soo qayb galeen 13 dal oo Afrikaan ahi iyo toddoba aqoonyahan oo ka mid ah kuwa ugu caansan Afrika, kana kala yimi gobolada Anglophonka iyo Francophonka Afrika intaba.

Nasiib darro waxay ahayd markii cid garan karta qiimaha iyo kaalinta ay qaddiyad aqoonsiga Somaliland ka qaadan karto aqoonta iyo aqoonyahanka laga waayey Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Markii aan ku guulaystay oo aan qabanqaabiyay in aan dalka keeno u-qaybsanayaasha Arrimaha military ee ku sugan Addis Ababa, Military Attachees, kuwaas oo ka kala tirsan shanta gobol ee Afrika si ay u soo ogaadaan kaalinta Somaliland kaga jirto ilaalinta amniga Afrika. Nasiib darro markii aan Wasiirka la soo hadlay ee uu igu yidhi lacag uma hayno, ka dibna aan adiga, Muuse Biixi, oo markaas ahaa guddoomiyaha Xisbiga kulmiye, aan arrinka u sheegay igu tidhi Aadanow 24 saacadood I sug, ka dibna aanan jawaab dambe kaa helin. Laakiinse aan iska gartay in Muuse na ku hungoobay in uu wax ka qabto, asaguna uu malaha, ka gaabsaday in uu ka horyimaaddo wasaarada iyo madaxtooyada.

Markii la ii magacaabay Safiirka AU iyo IGAD, 8/ 15/2016, oo haddana ilaa maanta la ii soo diri waayay warqadii aqoonsiga ‘Credential Letter’ si ay hayadahaasi iigu aqoonsadaan masuuliyada la ii magacaabay.

Ugu dambaystiina markii ay soo korodhay fadeexad weyn oo ku saabsan sharikad aan la caddayn waxay tahay oo la yidhi waa Maal-gashi, taas oo si ballaadhan warbaahinta ugu faaftay oo maanta dul-hoganaysa wasaaraddan.Taas oo abuurtay xaalad shaki bulshada Somaliland ku riddey oo aan qof damiir waddani ah lihi qaadan Karin.

Arrimahaas oo dhan oo isbiirsaday, oo aanan rabin in aan hoos u sii galo ayaa igu khasbay in aan, Mudane Madaxwyne kuu soo diro istiqaaladan. Aniga oo diyaar u ah ka qaybqaadashada qaddiyada dhismaha nabaddaa, dawladnimada iyo dimuqoraadiyada, arrimahaas oo ay dhextaal u tahay joogteynta dib uheshisiinta ummadu. Mahadnaq iyo qadrin weyna iga gudoon.” Ayaa lagu qoraalka lagu baahiyay Wargeysa Geeska Afika ee lagu daabacay nuqul ka mid ah qoraalkaa warqadaa.