Araweelo News Network.

Sheegashada Guusha Dawladda

Jawaabta TPLF iyo Kharriirada Goobbaha Dagaalka

Addis Ababa(ANN)-Wallaaca laga qabo dagaalka Ethiopia, ayaa sii kordhaya, iyadoo ra’iisal wasaaraha dawladda laga arkayo muuqaalo warbaahinta taageerta dawladda lagu baahiyay isagoo ku lebisan dharka ciidaamadda oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Kharriirad muujinay magaalooyinka iyo goobbaha dagaalka ee labada dhinac ee ku hirdamaya dalaka Ethiopia 28 November 2021.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sii wada dhawaaqa labada dhinac lagaga dalbanayo in ay si deg-deg ah dagaalka u joojiyaan.

Blinken, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay korodhka ciidamadda dhinacyada dagaalka Ethiopia, wuxuuna ku baaqay in wada xaajood degdeg ah in laga yeesho xiisadda.

Sidoo kale, baaqyada ka imanaya beesha caalamka oo dawladda Turkiga oo saaxiib dhow la ahayd xukuumadda Abiy kusoo biirtay xalay, ayaa lagaga dalbayaa labada dhinac in ay joojiyaan dagaalka, wallow aannay labada dhinac dheg-jalaq u siin baaqyada loo soo jeedinayo.

 Ergayga khaaska ah ee Maraykanka u qaabislan arrimaha geeska Afrika Jeffrey Feltman iyo madaxweynihii hore ee Nigeria  Olusegun  oo xilligan ah Ergayga Midowga Afrika ee loo xilsaaray arrimaha collaada gobolka ee dalka Ethiopia, ayaa u caal waayeen sidii xabad joojin looga samayn lahaa labada dhinac, waxayna weli sii wadaan dedaalka diblamaasiyadeed ee u muuqda mid guuldaraystay.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ku sudan weli jiidda dagaalka ee deegaanka gobolka Canfarta oo dagaalo lagu hoobtay ka socdaan, ayaa shalay warbaahinta dawladda ka sheegay in ay guulo ka gaadheen dagaalka.

Warbaahinta dawladda ayaa laga sheegay in ay ciidamadda dawladdu qabsadeen dawr magaalo oo ku yaal deegaanka jidka isku xidha Ethiopia iyo Djibouti, kaas oo ah marinka saadka iyo badeecaddaha 70% uga yamaada dekadda dalka Djibouti usoo maraan, balse ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya, maadaama xukuumaddu amar cad ku sheegtay in warbaahinta dawladda keliya loo ogolyahay in ay ka waramaan dagaalka iyo dalka Ethiopia xaaladdiisa.

Dhinaca kale, wararka qaar ayaa sheegaya Ciidamadda Tigray  ay qabsadeen Ciidamo baddan oo Ethiopian ah.

Ciidamadda TDF ayaa gacanta ku dhigay askar badan oo Ethiopian ah iyo maleeshiyaatka Axmaarada ee lagu magcaabo “Fano”, waxayna hadda gaadheen magaalada istiraatiijiga ah ee Debre Sina oo 190km u jirta Addis Ababa.

Debre Sina, ayaa ku taal dhanka Woqooyi ee Shewa ee gobolka Amxaarada, waxayna u dhowdahay mid ka mid ah garoomada diyaaraddaha ee duulimaadyada Millateri loo adeegsankaro.

Hase yeeshee warbaahinta dawladda, ayaa mar kale shaacisay in ay tan iyo markii Salaasadii lasoo dhaafay ra’iisal wasaare Abiy jiidda hore gaadhay si uu ciidamadda u hoggaamiyo ay qabsadeen ciidanku magaalooyinka Debreberhan iyo Semera.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa bartiisa Twitter qoraal uu soo dhigay maanta ku yidhi,“waxaa jirta aragtidan qosolka leh ee ah in karbaash badan ay si uun u heli lahaayeen faras dhimanaya oo boodaya oo laadaya. Sawir-qaade-fog-fog, joogitaankooda Debreberhan ama Semera wax badan kama abuurin ciidamaddayada oo waxay u socdaan guusha mana dhici doonto weligeed, Tigray way guulaysan doontaa.”

Muuqaalada warbaahinta dawladda laga sii daayay ee jiidda hore ee dagaalka, wuxuu Getachew Reda, ku macneeyay, shaqaaleisugu jira saraakiishii hore ee gaboobay oo qoob-ka-cayaar wada, kuwaas oo u muuqda ciyaartoy iyo siyaasiyiin dib loo warshadeeyay, taas oo hawada ku xidhaysa sida uu sheegay nidarkii aan dhammaadka lahayn ee ay ku doonayeen inay ku biiraan ‘Ra’iisal-wasaarehooda’ goobta dagaalka.

Howlgalladii ciidamadda Tigray ee TDF iyo kuwa Oromada OLA ay ka fuliyeen Gobolka Axmaarada, ayaa sababay gacan ku haynta dhowr meelood oo kale ka baxay gacanta dowladda federaalka Itoobiya 25 November 2021.

Balse ku dhowaad tobbankii maalmood ee la soo dhaafay waxaa hoos u dhacay horumarka TDF iyo OLA ee dagaalka gobolka Axmaarada iyo Canfarta, balse horumarku wuxuu ahaa mid gaabis ah oo ku socda Addis Ababa.

Mid ka mid ah sababaha arrintan ayaa lagu macneeyay ciidamo cusub oo dagaal oo aad u badan oo ay dowladda federaalka Ethiopia geysay goobihii dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee goobaha dagaalka ee Itoobiya ayaa sheegaya in deegaanada Shewa Robit, Molale, Mehal Meda, Degolo iyo Lugama oo dhaca Koonfur Bari ee gobolka Axmaarada ay gacanta ku hayaan ciidamada Tigreega (TDF) iyo ciidamada xoreynta Oromada (OLA). Iska hor imaadyo ayaa hadda ka socda afaafka hore ee Shewa Robit iyo Debre Sina ee agagaarka wadada weyn ee A2. Jidka A2 ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee ay usoo marikaraan ciidamadda duulaanka kusoo qaaday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Jiidda bari ee gobolka Axmaarada waxay wararku sheegayaan in ciidamadda dawladda iyo kuwa Canfarta ay dib ula wareegeen deegaanka Kasa Gita. Horumarka ayaa sidoo kale laga soo sheegay dhanka Bati.

 Bishii la soo dhaafay, TDF iyo OLA waxay isku dayeen dhowr jeer inay ku sii socdaan marrinka jidkaa, balse mar walba waxay la kulmayeen iska caabin xooggan oo kaga imanaysay ciidamadda daacadda u ah dowladda federaalka, taas suurgal noqon weyday.

Dowladda federaalka iyo ciidamadda Canfarta ayaa si weyn u xoojiyey oo diiday in ay halkaa dhaafaan TDF iyo OLA.

Khuburada dhanka Millateriga, ayaa sheegaya in haddii ay ku soo dhaqaaqaan oo ay qabsadaan magaalada Dessie, ciidamadda dawladu waxay taasi u suuragelinay in ay jaraaan wadada saadka ee ciidamadda TDF iyo OLA ee koonfur bari ee gobolka Axmaarada. Laakiin waxay u muuqataa in arrintaasi tahay mid aan macquul ahayn.

Todobaadkii hore Tigray ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya ilaa 10,000 oo maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamadda dawladda federaalka iyo kuwa Eriteria ee ku sugan Mekele, kaas oo ahaa mid xiiso gaar ah u leh, waxayna muuqaaladaasi noqdeen kuwo walaac weyn geliyay beesha caalamka, isla markaana ku dhiiriyay dalal baddan in ay muwaadiniintooda ugu baaqaan in ay deg-deg uga baxaan dalka Ethiopia.

Todobaadyadii la soo dhaafay, waxay jabhaduhu sii wadeen inay kusii dhhowaadaan guddaha caasimadda Etiopia, taas oo werwer iyo walaac kusii siyaadisay dunida, isla markaana sababtay in dalal badan muwaadiniintooda ka codsaday inay dalka si deg-deg ah uga baxaan.

Dhammaan arrimahaa ayaa muujinaya xaaladda mugdiga iyo khatarta ah ee ka jirta Ethiopia. oo dagaalka ka bilaabmay November 2020 sanadkii hore uu weli socdo, iyadoo aan weli xal iyo maarra loo helin.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com