Araweelo News Network

Dr. Abiy Ahmed

Addis-Ababa((ANN)-Ethiopia: isbahaysiga talada haya ee  EPDRF, ayaa u doortay hoggaamiye cusub Dr. Abiy Ahmed oo bedelaya Ra’iisal Wasaarihii is casilay Hailemariam Desaleg, wuxuuna noqonayaan Ra’iisal Wasaarihii u horeeyay ee Muslim ah.

Sida lagu helay warar la xidhidha doorashada Demeke Mekonnen oo ahaa ra’iisal wasaare ku xigeenka Ethiopia, ayaan ka qaybgelin doorashada, isagoo ahaa musharaxa, isla markaana ah gudoomiyaha  Amhara Nation Democratic Movement (ANDM), kaas oo aan ka qaybgelin doorashadii sadexda musharax. Kadib markii Demeke laga saaray Liiska murrashaxiinta, waxaana  ka qaybgalay doorashada Guddoomiyaha EPRDF saddexda Murrashax ee kala ah, Dr. Debretsion G/Michael oo ka socday  TPLF, Dr. Abiy oo ka socday  OPDO, iyo Shiferaw Shigute oo ka socday  SEPDM.

 

Dr Abiy Ahmed ayaa loo doortay guddoomiyaha isbahaysiga talada haya ee dalka Ethiopia, wuxuuna noqonayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaas, isagoo beddalaya Hailemariam Desalegn. kaas oo bilihiilasoo dhaafay uu si kadis ah ugu dhaqaaqay in uu xilka isaga degey.

 

Dr. Abiy, ayaa ku guulaystay 108 cod oo ka mid ah 180 xubnood oo uu ka koobanayahay golaha ay ku midoobeen isbahaysiga EPRDF, waxaana Demeke Mekonnen loo celiyay guddoomiye ku xigeenka EPRDF.

Dalka Ethiopia,  ayaa xiligan  ku jira xaalad dagdag ah taas oo looga gollahaa in lagusoo afjaro mudaharaadyo dawladda looga soo horjeedo oo socday ku dhawaad saddex sanadood.

 

Balse dadka ka faallooda arrimaha siyaasada Ethiopia, ayaa u arka in doorashadiisu aanay ahayn mid wax baddan ka bedeli karta dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Qeerroo oo ah kuwa  hoggaaminaya mudaharaadyada ku dhuftay gobolka Oromo.

 

Todobaadyadii u danbeeyay, waxa socday doodo adag iyo wada xaajoodyo, kuwaas oo u dhexeeyey  hoggaamiye yaasha isbahaysiga xukunka haya, waxayna ugu danbayntii  ku doorteen Dr Abiy in uu noqdo hoggaamiyahooda cusub, waxa uu kasoo jeedaa qawmiyadda Oromada ee ugu tirada badan qowmiyadaha Ethiopia. Taas oo ahayd xudunta mudaharaadyada looga soo horjeedo dawladda tan iyo sanadkii 2015.

Dr. Abiy, waxa uu xilgan qaban doonaa xilka Ra’iisal wasaaraha, marka loo gudbiyo Baarlamaanka, kadib markii goluhu ay aqbaleen iscasilaaddii Ra’iisal  wasaarihii hore, hailemariam Desalegn.

Dr Abiy ayaa loo arkaa inuu yahay siyaasi firfircoon oo leh aqoonsi tacliineed iyo mid military, waxa uu shahaadada doctorate ka haystaa jaamacadda Addis Ababa wxuu sidoo kale Shahaadada Master-ka ka qaatay jaamacado ku yaal dalalka Maraykanka iyo Britain, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha sida weyn loo hadal hayay.

Wuxuu hore usoo noqday wasiir ka mid ah Golaha wasiirrada, wuxuu sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa in dhidibada loo aaso hay’adda sirdoonka ee Ethiopia.

Waxa loo arkaa inuu yahay nin haysata kalsooni badan, balse waxa Jira in  dadka dhaliilsan ay shaki galinayaan in loo ogolaan doono in uu awood u yeesho in uu meel mariyo isbaddaladda ay dalbanayaan dadka dimuquraadiyadda u ololeeya, isla markaana aanu ahayn mid wax baddan ka bedeli karta dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Qeerroo oo ah kuwa  hoggaaminaya mudaharaadyada ku dhuftay gobolka Oromo iyo isbedelada ay dalbanayaan.

Rabashadii soo socday tan Iyo 2015, waxa  ku nafwaayay Boqolaal qof,  waxaana dhaawacyo kasoo gaadheen dad tiro badan, iyadoo boqolaal kalena xabsiyada la dhigay.