Araweelo News Network.

 

 

Addis Ababa(ANN)-Saraakiisha Ciidamada Difaaca Milatteriga Federaalka ee Ethiopia, ayaa ku dhawaaqay inay la wareegeen fadhiismo istiraatiiji ah oo ku xeeran magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigrey, walaw ay wararka teel-teelka ah sheegayaan in duqaymo iyo qaraxyo ay waajahday mekelle.

Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia, General Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu “si buuxda gacanta ugu dhigeen” magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijinaysaa jiritaanka sheegashadaa.

Dhanka kale, Mar sii horaysay hoggaamiyaha xoogagga Tigray ee TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in ciidamada dawladda Ethiopia bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaa, wuxuuna sheegay in duqayn aan loo meel deyin ay ka soco.

Debretsion Gebremichael oo ah Hoggaamiyaha xisbiga TPLF, ayaa sidaa ku sheegay fariin telefoon oo qoraal ah oo ay ka heshay wakaaladda wararka ee Reuters oo uu lasoo xidhiidhay, walaw ay adagtahay in war laga helo xaaladda dhabta ah, maadaama ay isgaadhiinta iyo telefoonadu ka go’naayeen deegaanka tan iyo markii daagaalka maray todobaadkii Afraad ka bilaabmay gobolka Tigray ee Woqooyiga Ethiopia.

Dhinaca kale, Af-hayeenka xafiiska ra’iisal wasaraha Ethiopia, Billene Seyoum, ayaa dhankiisa sheegtay in ciidamada Ethiopia aanay duqaynayn goobaha rayidka ah, isagoo ku dooday in bedqabka dadka rayidka ah ee Ethiopia ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray ay tahay arrin mudnaan u leh xukuumadda federaalka.

Warka duqaynta caasimada Tigray ee Mekelle, ayaa yimi saacado kaddib markii uu Lieutenant General Hassan Ibrahim oo Madaxa Tababarka Waaxda  Ciidanka Difaaca Federaalka Ethiopia,  u sheegay wakaaladdaha wararka in wajiga ugu dambeeya ee howlgalka lagu guuleystay, isagoo xusay in magaalooyin badan oo ka tirsan dowlad deegaanka Tigray laga xoreeyay maamulkii militariga. Sida uu sheegay saacadihii lasoo dhaafay.

 

“Hadda ciidanku wuxuu kusii siqayaa dhinaca Buurta Mesobo oo u dhow Mekele, meeshan istiraatiijiga ah waxay awood u siin doontaa inay ku xoreeyaan Mekele dhawr maalmood gudahood” ayuu ydihi, Lieutenant General Hassan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Lieutenant General Hassan in Waqtigan la joogo, ciidamada difaaca ee Federaalka Ethiopia si buuxda uga xoreeyeen Tigray magaalooyinka kala ah,  Hawzen, al-Najashi, Adikeyeh, Maimesanon, Hewane iyo Wukro oo ka tirsan gobolka Tigray. Laakiin sheegashooyinkaa ayaan ahayn kuwo si madax-banaan loo xaqiijin karo.

 

Hoggaamiyayaasha TPLF, ayaan wax jawaab ka bixin guulaha ugu danbeeyay ee ay sheegteen ciidamada dawladda Federaalka ee Ethiopia dagaalka kusii socda todobaadkii Afraad, sababtoo ah isgaadhiinta iyo Internetka ayaa ka maqan deegaanka gobolka Tigray iyo markii uu bilaabmay duulaanka ku waajahan gobolka Tigray 4 November.

Magaalada Wukro, oo ay sheegteen inay qabsadeen ciidanka Federaalka, ayaa ah mid istiraatiiji ah oo qiyaastii 47km, kaga beegan dhanka Woqooyi magaalada mekelle ee xarunta gobolka Tigray.

Dhinaca Dagaalka ayaa sii socda, iyadoo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, kulan uu la qaatay ergooyinka Midowga Afrika, walaw uu mar kale meesha ka saaray in wax gorgortan ah aannu la gelayn hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray.

 

Abiy ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay saddex ergey oo ka tirsan midowga Afrika, kuwaas oo ah madaxweynayaashii hore Ellen Johnson Sirleaf ee Liberia, Joaquim Chissano oo u dhashay Mozambique iyo Kgalema Motlanthe oo Koonfur Afrika ah.

Dhinaca kale, Vatican-ka oo ah halka looga arimoyo diinta Kiristanka, ayaa bayaan uu soo saaray Xafiiska Saxaafadda u qaabilsan ee Holy See fiidnimadii Jimcaha, Pope Francis wuxuu ka dhawaajiyay inuu ka walaacsan yahay xaaladda gobolka Tigrey ee Ethiopia iyo sidoo kale deegaannada ku xeeran ee ku hareeraysan.

 

Agaasimaha Xafiiska Saxaafadda xarunta Vatican, Matteo Bruni, ayaa sheegay in Pope-ka uu si dhow ula socdo wararka isku dhaca ee dagaalka Ethiopia, Rabshadaha awgood, boqolaal rayid ah ayaa ku dhintay tobanaan kun oo qofna waxaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda oo ay dhanka dalka Suudaan u qaxaan, ”ayaa lagu yidhi bayaanka.

“Intii lagu guda jiray Angelus 8dii November, Pope Francis, isagoo tixraacaya colaadda ka socota Ethiopia, wuxuu yidhi, “ Inkastoo aan ku boorrinayo in la diido fidnada isku dhaca hubaysan, waxaan ku martiqaadayaa qof walba ducada iyo ixtiraamka walaaltinimada, wadahadalka iyo xallinta khilaafaadka” ayuu yidhi, Pope Francis.

Bayaanka, kasoo baxay xafiiska warbaahinta ee Vatican, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Pope Francis uu ka xumaaday xaaladda bani’aadamnimo ee ka sii daraysa ee uu sababay dagaalka ka socda Ethiopia.

 

“Pop France oo ah hoggaamiyaha Kiritsanka, wuxuu ku baaqaya in dalkan loo duceeyo, wuxuu ka codsanayaa dhinacyada isku dhaca inay joojiyaan rabshadaha, ilaaliyaan nolosha oo dhan, gaar ahaan tan dadka rayidka ah, iyo in nabad lagu soo celiyo dadka.” Ayaa lagu yidhi, bayaanka.