Araweelo News Network

dibadbaxaethiopiaAdis-ababa(ANN)Tobannaan kun oo dibad baxayaal ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Axmaarada ayaa waxa ay ka qeybgaleen isu soo bax ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Mudaaharaadka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada ku taalla waqooyiga dalkaas ee Gondar.

Dadka dibad baxaya waxay dalbanayaan in dowladda ay ka laabato go’aanka ay degmo gobolka Xamaarad ku taalla ay ku hoosgeysay maamulka deriska la ah ee Tigray.

Dowladda Itoobiya waxay sheegeysaa in inkabadan 10 qof ay ku dhinteen rabsho dhexmartay booliska iyo dadkii dibad baxayay.

Muranka iyo is hortaagnaanta ayaa soo taagnaa isbuucyadii la soo dhaafay.