Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa ka hadashay mawqifkeeda xalka dagaalka sii xumaanaya lagu joojin karo iyo sida ay uga damqatay cunaqabataynta Maraykanka.

Xukuumadda Abiy, ayaa beesha caalamka u sheegtay Sabtidii inay iska ilaalinayaan cunaqabateynta iyo sidoo kale faragelinta kaga imanay dibedda ee dagaalka ay kula jiraan xoogagga ka soo jeeda gobolkeeda Tigray, balse waxay sheegtay dawladda Ethiopia in ay oggolaatay in Midowga Afrika ka shaqeeyo isu keenidda dhammaan dhinacyada six al looga gaadho dagaalka.

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, isla markaana ah wasiirka Arrimaha dibedda,  Demeke Mekonnen ayaa difaacay hab-dhaqanka dalkiisa ee dagaalka 10-bilood ka socday dalkiisa, wuxuuna sidaa ka sheegay mar uu ka hadlayey kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee hoggaamiyeyaasha adduunka,

“Qoraalada iyo tallaabooyinka ciqaabtu waligood ma caawinin wanaajinta xaaladdaha ama xdhiidhka,” ayuu yidhi, wuxuuna hadalkiisu kusoo beegmay wax ka yar  10 maalmood ka dib markii Maraykanku ku hanjabay inuu cunaqabatayn ku soo rogi doono Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha kale haddii aannay  si degdeg ah u qaadin tallaabooyin cad cad oo lagu joojinayo dagaalka.

“In kasta oo iskaashiga iyo walaaca saaxiibbadeenna la soo dhowaynayo, haddana waxaan hoosta ka xarriiqaynaa baahida loo qabo in la adeegsado hab wax ku ool  ah, si loo kobciyo kalsoonida lana hubiyo is fahamka,” ayuu yidhi, Mekonnen.

Daawo Muuqaalkan

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, wuxuu isagoo ka calaacalaya dhibaatooyinka dalkiisu wajahayo yidhi, “tallaabo khasab ah oo hal dhinac ah,  iyada oo aan la xusin halka ay ka timi in lagu joojinayo dagaalka, balse hadalkiisa howlgalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay kama ay bixin wax jawaab ah iyo xataa codsigiisa oo aannay wax faallo ah ka celin, taas oo loo arkayay wejigabax diblamaasiyadeed oo ay waajahayso xukuumadda Abiy.

Dhinaca kale, maalmihii u danbeeyay xooggaga Dagaalyahanka Tigray, ayaa sheeganayay in ay guula ka gaadheen dagaalka, isla markaana ay qabsadeen magaalooyin muhiim ah oo deegaanka Amxaarada ah, isla markaana ay qabsadeen hub iyo saanad millateri oo ay ciidanka dawladda iyo malayshiyaadka la socda ee Amxaarada oo ay weheliyaan kuwa Eriteria kala hadheen.

Hase yeeshee ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada guusha Tigray ee dagaalka maalmihii u danbeeyay, balse waxa la xaqiijiyay in magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Amxaarada oo dagaalo lagu hoobtay ka socdeen maalamihii u danbeeyay la gooyay buundooyin muhiim ah oo isku xidha magaalooyinka, kuwaas oo Saraakiisha Tigray ku eedeeyeen Ciidamadda dawladda iyo kuwa amxaarada in ay gooyeen si aan ciidamadda Tigray oo baacsanaya uga soo talaabin.

Dagaalka oo bilaabmay bishii Nofembar ka dib markii ay isku dhaceen siyaasiga Abiy iyo Tigray oo qayb ka ahaa TPLF, oo muddo dheer gacanta ku hayay xukunka dalka Ethiopia, ayaa si weyn ugu faafay dalka, waxaana ka dhashay masiibooyin bino’aadaminimo, xasuuq, dhac boob, iyadoo ay ku dhinteen kumaan qof, halka ay kumanaan kale ku barakaceen.

Sidoo kale, dagaalka ayaa saamayn ku yeeshay gobolka, wuxuuna fursad siiyay Suudaan oo ka sokow murranka Biyaha Niilka ee ka dhexeeyay dalkaa ay dhul ay hore ugu muransanaayeen Ethiopia ku qabsatay, iyadoo dawladda Eriteria ee ay cadaawada muddada dheer ka dhaxaysay Ethiopia dagaalka qayb ka noqotay, kaddib markii ay la safatay Ciidamadda Dawladda Federaalka ee ku duulay caasimadda gobolka Tigray Mekelle Oct 2020.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.