Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Dawladda Itoobiya, ayaa xaqiijisay in hiigsiga horumarkeedu qayb ahaan uu ku xidhan yahay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka wada faa’iidaysiga iskaashiga labada waddan.
Wasiirul-dawladaha Gaadiidka Itoobiya Mr. Abdissa Tedisa oo ka qaybgalay xafladdii Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka ee DP World kula kala wareegeen maamulka dekedda Berbera ee lagu qabtay magaalada Berbera, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey waxa uu sheegay in ay si buuxda u barbartaagan yihiin casriyeynta dekedda Berbera iyo isku xidhka jidadka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland oo ka wada faa’iidaysanaya wax-soo-saarkeeda.
“Tani waxay annaga noo tahay fursad wayn, sababta oo ah xidhiidhka u dhexeeya labadeenna shacab waa mid taariikheed, walaaltinimo iyo saaxiibtinimo, waxaannu xidhiidhkan taariikheed ee u dhexeeya labadeenna waddanka uu ku sii socdaa heer iskaashi, kaasi oo ay ka wada faa’iidaysan doonaan labadeena shacab dhammaan iskaashiga dekedda Berbera,” ayuu yidhi Mr. Abdissa Tedisa.
Wasiirul-dawladaha Gaadiidka Itoobiya waxa uu sheegay in dalkiisa Itoobiya uu tobankii sanno ee tagay ku tallaabsaday horumar dhaqaale oo sababay in hoos loo dhigo heerka faqriga, iyadoo horumarka dhaqaale ee dalku sare u kacay, isla markaana ka midho-dhalinta hiigsigeeda horumarka ay dawladoodu xoojin xidhiidh iyo fursado kala faa’iidaysi ay la samaysay dalalka jaarka oo Somaliland ku jirto.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Qaran ahaan waxaannu doonaynaa in aannu xoojinno xidhiidhka jira ee aannu la leenahay jaarkayaga Somaliland si ay u waaraan dhammaan dadaallada horumarineed iyo in aannu xaqiijinno in qaramadayadu ka faa’iidaystaan, si taa loo fulinaya jidadku waa arrin aad ugu muhiim ah horumarka, waxaanaynu u baahanahay in aynu isugu xidhno labadeenna waddan noocyada kala duwan ee gaadiidka, dabcan waxaynu leenahay duulimaad diyaaradeed oo joogto ah oo u dhexeeya Addis Ababa iyo Hargeysa. Waxa kaloo aannu ka shaqaynaynaa in aannu qayb ka noqonno horumarinta dekedda oo DP World hoggaaminayso wadeegeeda, farsamadeeda iyo maalgalinteeda dhismayaashaa, casriyeynta iyo wanaajinta maamulka dekedda Berbera si ay adeeg hufan ugu samayso dalka Somaliland iyo annaga Itoobiya.”
“Sidaa darteed, waxtarka dekedda waxaannu u arkaynaa inuu muhiimad wayn u leeyahay fududaynta ganacsiga, dhiirrigelinta dalxiiska iyo sidoo kale jiritaanka horumarka xidhiidhkeena ganacsi iyo dhaqaale, sidaa awgeed dawladda Itoobiya waxay si wayn u barbartaaggan tahay sidii ay ula shaqayn lahayd mashruuca dekedda Berbera ee DP World hoggaaminayso, sidoo kalena ay wadaag kula noqoto dawladda Somaliland horumarinta iyo isku xidhidda labada waddan ee gaar ahaan dhinaca waddooyinka iyo adeegga tamarta,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirul-dawladaha Gaadiidka Itoobiya.