Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Dalka Ireland oo ka mid ah dawladdaha xubnaha ka ah gollaha amaanka ee qaramada midoobay (Security Council), ayaa diblamaasiyiinta ka joogay laga caydhiyay Addis Ababa.

Ireland oo waxay ka mid tahay 15-ka dal ee xubnaha ka ah gollaha amaanka ee qaramada midoobay, waxayna gollaha amaanka ka sheegtay warbixin la xidhiidha dagaalka .

Xukuumadda Ethiopia oo ka cadhootay arrintaa, ayaa ka ku amartay in muddo todobaad ah ay dalkeeda kaga baxaan Afar ka mid ah Lix diblamaasiyiinteeda Safaaradda ay ku lahayd Addisa Ababa, kaddib markii ay u muujiyeen dunida xaaladda aan rajada lahayn ee dagaalka ka socda Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ireland, Simon Coveney, TD, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku xaqiijiyay in go’aanka ay dawladda Ethiopia kaga caydhisay dalkeeda Afar ka mid ah Lix diblamaasi oo u joogay Addis Ababa.

Sidoo kale, dalka UK iyo dalal kale oo Midawga Yurub ah ayaa hore looga saaray diblamaasiyiinta ka joogay Addis Ababa, iyadoo ay maalmihii u danbeeyay inta baddan dalalka waaweyn ee aduunku ugu baaqayeen dadka ka jooga dalka Ethiopia in ay si deg-deg ah uga baxaan.

  Wasiirka Arrimaha Dibedda Ireland, Simon Coveney, wuxuu sheegay innay arrinta kala hadleen dawladda Ethiopia, kaddib wadahadal dheer ay go’aanka qaateen.

“Dawladda iyo dadka Ethiopia, waxaan la shaqaynaynay laga soo bilaabo tan iyo 1994, si aannu horumarka dalka ugala shaqayno dawladda, waxaan rajaynaa in go’aanku aannu noqon mid waqti dheer qaata oo ay sida uga dhaqsaha baddan ugu laabtaan hawlwadeenada muhiimka ah ee safaarada.”ayuu yidhi, Simon Coveney.

Salaasadii ayay ahayd markii ay dalalka Faransiiska iyo Jarmalku ka digeen in dadkoodu sii joogaan Ethiopia, iyagoo ugu baaqay in ay deg-deg uga baxaan ka hor inta aannay ku go’doomin.

 Maraykanka, Britan iyo kuwo kale ayaa hore ugu baaqay in ay dadkoodu ka baxaan dalkaa xaallada dagaalka u dhexeeya u dhexeeya ciidamadda dawladda Federaalka iyo jabhadaha mucaaradka TDF.

 Salaasadii ayay Faransiiska iyo Jarmalku uga digeen muwaadiniinta u dhalatay in ay kusii negaadaan dalka Ethiopia, waxaana loogu baaqay in ay raacaan duulimaadyada u horeeya.

Sidoo kale, Maraykanka iyo Britain oo hore ugu baaqay ka bixitaanka dadkooda ku sugan Ethiopia, ayaa ku celiyay digniinaha sidan oo kele ah.

Dhawaaqyadan digniinaha ah, ayaa kusoo beegmay maalin kaddib markii ra’iisal wasaaraha dalka Abiy Axmed uu Isniintii sheegay inuu hoggaaminayo ciidamadda dagaaalka kula jira jabhada Tigray oo tegeyo safka hore ee dagaalka Salaasada.

Hadlka ra’iisal wasaraha, ayaa si weyn uga yaabiyay dunida, maadaama hore loo siiyay Nopel Price, waxaana lagu tilmaamay tallaabadaa mid muujinay sida ay xaallada dagaalku usii xumaanay.

Dhinaca kale, Qaramada midoobay, ayaa sheegtay in ay qoysaska shaqaalaha ka jooga dalka Ethiopia ka saarayaan.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay salaasadii inay si ku meel gaadh ah uga saari doonto qoysaska shaqaallaha caalamiga ah ee ku sugan Ethiopia, balse waxay xustay qaramada midoobay in shaqaalaheedu ay sii joogi doonaan dalka.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan la soconno xaaladda sida ay u horumarsan tahay, annaga oo maskaxda ku hayna ammaanka shaqaallaheenna iyo baahida loo qabo in aan sii wadno u istaagida samatabbixinta iyo howlgallada iyo taageeridda dhammaan dadka u baahan gargaarka,” sidaa waxa yidhi, Stephane Dujarric oo ah afhayeen u hadlay qaramada midoobay.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay in horumarka ku wajahan heshiis dublamaasiyadeed oo dhexmara dhinacyada is haya Ethiopia, laakiin wuxuu ka digay inay halistu tahay in ay qariyaan tallaabooyinka waxyaabaha naxdin leh oo ka dhacay dhulka.

“In kasta oo ay jiraan xoogaa horumar ah oo curdin ah, taas oo khatar ugu jirta in laga gudbo korodhka millateriga ee labada dhinac,” Jeffrey Feltman ayaa u sheegay wariyayaasha ka dib markii uu kasoo laabtay hawl-gal uu ku tagay Addis Ababa.

Dhanka kale, hogaamiyayaasha Koonfur Afrika iyo Kenya ayaa Salaasadii ku booriyay dhinacyada iska soo horjeeda inay go’aansadaan xabbad-joojin deg-deg ah iyo wadahadal siyaasadeed, balse waxa muuqata in aannay waxba ka hirgelin dhaqdhaqaaqyada diblamaasiyadeed iyo dedaaladii la waday ee la doonayay in lagu joojiyo dagaalka.

Dagaalka oo socday tan iyo November 2020, ayaa sababay xasuuq iyo barakac ka dhacay gobolka Tigray, kaddib markii ay ciidamadda dawladda federaaalka ee Ethiopia oo taageero ka helaya ciidamadda dawladda Ereteria iyo malayshiyaad guddaha ah.

Dagaalyahanka Tigray, ayaa dhowaan qabsaday Dessie iyo Kombolcha oo ah magaalooyin istiraatiiji ah oo ku yaal Woqooyiga dalka, waxaana dalka la geliyay xaalad deg-deg ah.

Qabsashada magaalooyinka muhiimka ah ee deegaamada Amxaarada iyo Canfarta, ayaa sababtay in ay xaaladda cabsida iyo wer-werku sii kordhaan, iyadoo dagaalyahanka Tigray ee TDF oo ay dhowaan ku biireen jabhado kale kulaalayaan magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa.

Dagaalka, ayaa u muuqda hadda mid deegaanka Mille oo ah marinka ugu muhiimsan ee dhuunta saadka iyo badeecadaha Ethiopia uga soo  dega dekedda Djibouti usoo maraan, waxayna qabsashada deegaankaasii soo dedejinay dagaalka socday sanandka iyo dhawrka bilood ee xalka loo waayay.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com