Araweelo News Network.

ADDIS ABABA(ANN)-Saraakiisha xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, ayaa ku eedeeyay ciidamadda dagaalka kula jira ee Tigray in ay ku dileen in ka badan 120 qof gobolka Amxaarada.

Hase yeeshee Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF) ayaa beenisay eedahaa, waxayna ku tilaameen waxay ugu yeedheen “eedeyn la been abuuray” oo ka timi dowlad deegaanka Amxaarada, iyadoo TPLF, gebi ahaanba beenisay sheegashada ah in ciidamada Tigray ay dileen dad rayid ah.

Marka laga hadlayo tacadiyada loo geysto dadka rayidka ah, waxay ka dhacaysay Tigray tan iyo bilowgii colaadda bishii November ee sannadkii hore, waxayna tani noqonaysaa astaantii ugu dambeysay ee sida colaadda 10-ka bilood ah u fidday meel ka durugsan Tigray, isla markaana ay cawaaqib xun uga dhalisay dalka Ethiopia.

Saviano Abreu, oo ah afhayeenka Xafiiska Qaramada Midoobey ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa yidhi, “Marka laga hadlayo xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxay ka socotey Tigray tan iyo bilowgii colaadda bishii Nofembar ee sannadkii hore. “Waxaan cambaareyneynaa nooc kasta oo xasuuq ah,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Dhinaca kale, Xadgudubkan ugu dambeeyay, sida ay qortay Reuters, wuxuu ka dhacay tuulada Chenna Kebele, oo u dhow magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada.
Bayaan uu soo saaray, Guddida Xuquuqul Insaanka Ethiopia, ayaa lagu sheegay in meydad aad u badan laga helay aagga. Dadka deegaanka iyo maamulka deegaanka ayaa u sheegay guddida in dhibanayaasha la dilay muddo laba maalmood ah toddobaadkii hore, iyagoo dib u gurtay ciidammadda Tigray.

Tan iyo intii colaaddu ka socotay gobolka Tigray, xadgudubyo aad u xun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayay diiwaan geliyeen dhammaan dhinacyada xuquuqda Aadamaha. Laakiin dalabyo soo noqnoqda iyo isku dayo dhexdhexaadin ayaa ilaa hadda fashilmay, kuwaas oo la doonayay in la joojiyo colaadda.
Dawladda Ethiopia si wanaagsan ugama jawaabin soo jeedintii wada xaajoodka iyo dariiqyada la doonayo in lagu joojiyo dagaalka, taas bedelkeeda, waxay si cad ugu baaqday in la abaabulo maleeshiyada, sida ay sheegayaan saraakiisha qaramada midoobay ee Hay’addaha gargaarka.

“Dowladda Ethiopia si wanaagsan ugama soo jawaabin soo jeedinnada wada xaajoodka. Taa baddalkeeda, waxay si cad ugu baaqday in la abaabulo maleeshiyaadka, ”sidaa waxa yidhi Richard Mills, oo ah ku xigeenka Wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, intii uu socday shirkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii hore.

“Dhanka kale, TPLF waxay ololaheeda militari ku fidisay gobollada Canfarta iyo Amxaarada,” ayuu raaciyay.

Bilihii la soo dhaafay, dagaalka socda ee u dhexeeya ciidamada difaaca federaalka Itoobiya, TPLF, iyo maleeshiyaadka qowmiyadaha hubaysan ayaa boqolaal qof ku barakiciyay dhulka Canfarta iyo Amxaarada.

“Tirada dadka u baahan gargaar bani’aadamnimo oo deg -deg ah labadan gobol, marka lagu daro kuwa gobolka Tigray, ayaa maalin walba kor u kacda,” ayuu yidhi Abreu.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ayaa ka digay in ka badan 1.7 milyan oo qof oo ku nool Canfarta iyo Amxaarada ay halis ugu jiraan gaajo.

AKHRI: Dagaalka Ethiopia Xaaladda Soo Waajahday Amxaarada Iyo Canbaaraynta Maraykanka Ee Tigray

Christine Hakonze, oo ah madaxa xafiiska Semera ee WFP, ayaa muuqaal ay ku baahisay baraha bulshada toddobaadkan oo laga soo duubay gudaha gobolka Canfarta, kaas oo muujinaya dhibaatada barakaca iyo baahida ka jirta halkaa.

Debretsion Gebremichael Hoggaamiyaha TPLF  Oo Ka Hadlay Dagaalka Iyo Xoghayaha Guud Antonio Guterres Oo Digniin Soo Saaray

Qaramada Midoobay, ayaa dhankeeda waxay sii wadaa inay ka digtoonaato dhibaato gaajo oo ku soo fool leh gudaha gobolka waqooyiga Tigray, oo inta badan laga jaray dalka intiisa kale muddo ku dhow hal sano.

Toddobaadkan dhammaadkiisii, kolonyo samafal oo ka kooban 150 baabuur ayay u suurogashay inay galaan Tigray. Laakiin saraakiisha gargaarka, ayaa sheegaya in ilaa hadda uu ka jiro halkaa walaac ku saabsan sida fidintaanka colaadda iyo rabshaduhu u sii xaddidi doonaan marin u helka Tigrayga, maaddaama galaangalka bani’aadamnimo ee dhulka ee hadda uu ku kooban yahay hal marin oo keliya, kaas oo ah dhulka dhex mara gobolka Canfarta.

“Xiisadda colaadeed ayaa sidoo kale adkeynaysa howlgallada aan ka wadno gudaha Tigreega, helitaanka bani’aadamnimada ee Tigray,” ayuu yidhi Abreu oo u hadlayay Hay’addaha gargaarka ee ku sugan gobolka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com