Araweelo News Network

ethiopiankakabaxayAddis Ababa (ANN) Dawladda Itoobiya, ayaa markii ugu horreysay tafaasiil ka bixisay sababaha keenay in ciidammadeedu ka baxaan inta badan degaannada dalka Soomaaliya oo ay hawlo nabad-ilaalin ah u joogeen dhowrkii sannadood ee la soo dhaafay.
Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Mr. Getachew Reda oo u warramay BBC-da shalay, ayaa sheegay inay dhammaan ciidankooda aan ka midka ahayn hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kala baxayaan Soomaaliya.
“Joogitaanka ciidankayaga ee Soomaaliya ayaa ah laba nooc. Laba kun oo askari keliya ayaa nagaga jira AMISOM, laakiin waxa intaa dheer dhowr kun oo askarta Itoobiya ah, kuwaas oo caawinaya AMISOM iyo ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabab. Hase ahaatee, sidii aan marar badan hore u sheegnay, ciidammadayada ka tirsan AMISOM waxa ay Soomaaliya sii joogi doonaan inta ka dhiman muddada hawlgalkooda, balse qasab ma aha in ay halkaas naga sii joogaan ciidanka kale ee aan AMISOM hoos tegin,” ayuu yidhi Reda.
Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya waxa kaloo uu xaqiijiyey inay ciidammadooda kala baxeen degaanka Halgan, Gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya, kuwaas oo uu xusay in aanay qayb ka ahayn hawlgalka AMISOM.
Sidoo kale, ciidammada Itoobiya ayaa ka baxay degaanka Tiyeeglow ee Gobolka Bakool shalay subax, waxana isla markiiba magaaladaas u weydaartay dagaalyahannada kooxda Al-shabaab oo ka faa’iidaystay fursadda ciidanka Itoobiyaanku siiyeen.
Xoogagga Al-shabaab ayaa la wareegay degaannada ciidammada Itoobiya banneeyeen ee badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Ciidammada dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa degaanka Tiyeeglow ka qabsaday Al-shabaab, 25kii bishii August ee sannadkii 2014.
“Saaka aroortii [shalay subax] ayey ciidammada Itoobiya ka guureen degaanka Tiyeglow. Al-shabaab ayaa magaalada soo gashay oo hadda ku sugan.” Sidaa waxa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da u sheegay mid ka mid ah shacabka degaankaas.
Magaalada Tiyeglow waa goob istiraatiiji ah oo isku xidha gobollada Hiiraan iyo Bakool ee badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Ciidammada Itoobiya waxay bilihii ugu dambeeyay ka guureen degaannada Ceel Cali, Moqokori iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan iyo sidoo kale magaalooyinka Rabdhuurre, Buurdhuxunle iyo Garasweyne oo Bakool ah iyo weliba Budbud iyo Galcad oo ka tirsan Gobolka Galguduud.
Ka-bixista ciidanka Itoobiyaanka ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli mucaarad xooggan iyo mudaharaadyo rabshado wata oo lagaga soo horjeedo xukuumadda Addis Ababa ka socdaan gudaha dalka Itoobiya bilihii u dambeeyey.