“Suudaan waxay Diiday Qaraar Jaamacadda Carabtu Ugu Hiilinay Masar, waxayna ku tilmaantay Mid aan dani ugu jirin oo abuuraya dagaal Ethiopia iyo Carabta ah”


Warbixin: By Carraale M. Jaamac: Freelance Journalist And Human Rights Activist Based In Somaliland– Araweelonews.com.


Addis Ababa(ANN) Dawladda Ethiopia, ayaa si deg-deg ah ugu yeedhay Safiiradda Siddeed dal oo ay ku jiraan Qaahira iyo Khartoum, kuwaas oo Addis Ababa dib ugu soo laabtay. sidaana waxaa Khamiistii shaaciyay wargayska Ethiopia Standard ee laga leeyahay dalkaa.

Araweelo News Network oo soo xiganay shebekadda Ahram Online oo warka kasoo xigatay Ethiopia Standard, ayaa sheegtay in Warka Wargeysku aannu sheegin sababta dib loogu yeedhay Safiiradda Ethiopia, balse wuxuu xusay in safiirka Ethiopia ee Qaahira Dina Mufti iyo danjiraha Khartoum Shiferaw Jarso dib loogu yeedhay, sidoo kalena loo yeedhay safiirada Brussels, London, Rabat, Algiers, Canberra iyo Havana.


ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Ethiopia oo Wargeyska Addis Standard soo xigatay ayaa leh “Waa waqtigii dib loogu yeedhi lahaa ergooyinka Ethiopia ee Qaahira iyo Khartoum,… maaddaama labada mas’uulba loo arko” kuwo aad muhiim u ah “marka loo eego horumarkii ugu dambeeyay ee arrimaha Biyo xidheenka Dhaammka Ethiopia (The Grand Ethiopian Renaissance Dam).


Warbixinta Araweelo News Network kasoo xiiganay Ahram Online ayaa intaa ku dartay inay dhici karto isku shaandhayn suurtagal ah, iyadoo “indhaha oo dhami saaran yihiin cidda qaban doonta jagooyinka Brussels, Qaahira iyo Khartoum.”


Dhinaca kale arrintan ayaa kusoo beegantay maalmo kadib markii uu dhicisoobay heshiis maraykanku hormood u ahaa oo xal loogu radinayay isticmaalka BIyaha Nilka, iyadoo muranka u weyni u dhexeeyo dalalka Masar iyo Ethiopia.


Toddobaadkii la soo dhaafay, xiisadda ayaa ka taagnayd dalalka Masar iyo Ethiopia, ka dib markii Addis Ababa ay ka baxday wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada Maraykanku daadihinayay, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka dhinacyada, waxayna ballanqaadeen inay bilaabi doonaan buuxinta mashruuca biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) badhtamaha sannadkan 2020, ka hor inta aan la gaadhin heshiis kama dambeysta ah ee dalalka Masar iyo Suudaan.


Dowlada Sudan ayaa muujisay sida ay uga xuntahay ee ugu aragto “carqalad” ka dib qaraar qabyo ah oo ay Masar u soo jeedisay Jaamacadda Carabta si ay u taageerto Masar iyo Suudaan, qaraarkaa oo ku saabsan muranka biyo xidheenka weyn ee ay Ethiopia ka dhiseyso Webiga Blue Nile, sida ay ku warrantay Ahram Online oo soo xigganay wakaaladda wararka Masar.


Kooxda Suudaan ayaa horre loo sii ogeysiiyay qaraarka qabyada ah ee loo gudbiyay Jaamacadda Carabta, oo loogu talagalay in lagu muujiyo “taageerada Carabtu u leedahay xuquuqda biyaha Masar iyo Suudaan,” ilo wareedyo ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee MENA.


“In kasta oo taageero laga helo dhammaan waddammada carabta ee qaraarka qabyada ah, dhinaca Suudaan ma muujin wax xamaasad leh, laakiin waxay codsadeen in aan magaca Suudaan lagu soo darin qaraarka,” sidaa waxa tidhi, Ahram Online oo soo xigganay ilo-wareedyado xog oggaal u ah arrimahaa.


Suudaan waxay ku dooday in qaraarkaasi aannu u adeegayn danaheeda, isla markaana ay waxay muujisay inuu sababi karo cabsi ah in “iska hor imaad Carab-Itoobiyaan ah uu ka dhalan karo,” sida ay Ahram Online u sheegeen Ilo wareedyadu, sidoo kale Suudaan ayaa sheegtay in ururka Jaamacadda Carabtu aannu ku lug laheyn khilaafka.


Balse Qaraarka qabyada ah ayaa la meel mariyay iyada oo aan wax laga badalin intii lagu guda jiray shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta Arbacadii, iyada oo Suudaan ay si rasmi ah u diiwaangelineyso kaydkeeda, sida ay sheegtay MENA.


Dhinaca kale Golaha Wakiilada ee Masar ayaa laga doonayaa in ay meel mariyaan sharci la waafajinayo aragtida gobolka ee ah in la qiyaaso cabirka biyaha lagana hortago saamaynta GERD. Madaxa Waraabinta iyo Kheyraadka Biyaha, Hisham el-Hosary, oo xubin ka ah baarlamaanka Masar, isla markaana ah madaxa guddiga baarlamaanka ee Beeraha iyo Waraabka ayaa khadka taleefanka ugu sheegay Al-Monitor in Baarlamaanka Masar meel marinayo sharcigaa.

Tan iyo markii uu soo baxay qorshaha dhismaha biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) iyo saameynta mashruucan oo kale ku yeelanayo saami qaybsiga biyaha ee Masar, waxaa jiray hindise baarlamaanku taageeray in la sameeyo sharciyo looga golleeyahay soo nooleynta biyaha iyada oo ujeedadu tahay in aan la waajihin biyo la’aanta ku habsatay dalka.