Addis Ababa(ANN)-Ethiopia, ayaa dalkeeda gelisay xaalad deg-deg ah, kadib markii ay korodhay tirada faafitaanka caabuqa Coronavirus, isla markaana la xaqiijiyay dhimashadii u horreysay inta la ogyahay gudaha dalkaa.

Sidaana waxa lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed maanta oo laga sii daayay warbaahinta dalka, ayaa ku tilmaamay go’aanka mid lagu badbaadinayo bulshada maadaama faafitaanka cudurka Coronavirus sii kordhay.


“Sababta aan tallaabadan u qaadnay ayaa ah faafitaanka cudurka coronavirus ayaa kasii daraya, dowladda Ethiopia, ayaa go’aansatay inay ku dhawaaqdo xaalad deg-deg ah, sida ku xusan qodobka 93 ee dastuurka, ”Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa sidaa ku sheegay warka uu soo saaray Arbacadii maanta 8 April 2020.


“Waxaan ugu baaqayaa qof walba inuu la garab istaago laamaha dowladda iyo kuwa kale ee isku dayaya inay ka gudbaan dhibaatadan, “ayuu raaciyay isagoo ka digay talaabooyin sharciga waafaqsan oo ka dhan ah qof kasta oo wiiqaya dagaalka ka dhanka ah masiibada COVID-19.
Wuxuu sheegay in aannay weli cadayn sida xaaladda deg-degga ahi u saamayn doonto nolol-maalmeedka Bulshada Ethiopia.


Maamulka ayaa horre u qaaday talaabooyin lagu joojinayo faafitaanka Fayriska, waxaana gebi ahaanba la fasaxay shaqaalaha aan daruuriga ahayn oo ay ku shaqeeyaan guryohooda, isla markaana la xidhay Jaamacaddaha dalka iyo goobaha waxbarashadda ee kale. sidoo kale, waxa la mamnuucay kulamada dadweynaha, waxaana lagu wargeliyay dadka inay guryohooda joogaan, sidoo kale, waxay Ethiopia sii deysay maxaabiis dhawr kun ah oo ku jirtay xabsiyada dalka.


Xaaladda ayaa xukuumadda Ethiopia qaaday, kadib markii ay tirada dadkii la diiwaangeliyay ee uu caabuqa COVID-19, oo dawladdu ku sheegtay 55, laba ka mid ah ay dhinteen.


Dhinaca kale, dalka Ethiopia oo xilli horre lagu arkay xannuunka Coronavirus, waxa jira warar sheegaya in tirada caabuqa Coronavirus ka badantahay intaa, walaw ay xukuumaddu diiwaangelisay 55 kiis, balse ku dhawaad 110, kiis ay jiraan.


William Davison, oo ah falanqeeye sare oo Itoobiyaan ah, isla markaana oo ka tirsan Kooxda Dhibaatooyinka Caalamiga ah (International Crisis Group), ayaa yidhi, “Waxaa jira shaki badan oo aan la hubin oo ku saabsan xaddiga Coronavirus ee ku faafay illaa iyo hadda Ethiopia, wuxuuna sidaa u sheegay Al Jazeera.

Dhinaca kale, gobolka Oromia, ayaa horre loo saaray bandaw ka hor intii aan caabuqa Coronavirus lagu arag dalka Ethiopia, waxaana marar baddan arrintaa ku canbaareeyay dawladda Ethiopia, Hay’addaha xuquuqda Aadamaha.

AKHRI: HRW: Malaayiin Ethiopian Ah Ma Awooddaan Inay Helaan Wacyigelinta COVID-19