Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland iyo raysalwasaaraha Ethiopia

Madaxweynaha Somaliland iyo raysalwasaaraha Ethiopia

Addis Ababa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn, ayaa ka wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo amniga.
Sida lagu faafiyey wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA (Ethiopia News Agency) oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, Madaxweynaha Somaliland oo safar ku tegay dalka Itoobiya, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal-wasaare Hailemariam Desalegn, iyadoo labada hoggaamiye ay ka wadahadleen qodobo kala duwan oo khuseeya xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
“Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxa uu qaabilay maanta (shalay) wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo ay labada dhinac ka wadahadleen arrimo khuseeya xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya iyo danaha guud ee ay wadagaan, waxayna labada hoggaamiyey is weydaarsadeen aragtiyahooda khuseeya sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hadda jira ee labada dal ka dhexeeya, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay ENA News.
Waxa kale oo warka ka soo baxay Itoobiya intaas ku daray; “Labada hoggaamiye, ayaa sidoo kale ka wadahadlay isku xidhka labada dal ee dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta dekedda Berbera oo ay dawladda Itoobiya aad u danaynayso isticmaalka dekedda sidii ay u kobcin lahayd xidhiidhkooda dibadda ee dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Sida lagu sheegay warka ka soo baxay wakaaladda wararka Itoobiya, Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, ayaa isla qaatay sidii ay isaga kaashan lahaayeen xoojinta arrimaha nabadgelyada iyo ammaanka ee mandaqada Gobolka Geeska Afrika, isla markaana loola wada dagaalami lahaa argagixisada.
“Madaxweynaha Somaliland, ayaa isna dhinaciisa xaqiijiyey inuu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya kala xaajooday arrimo khuseeya danaha guud ee labada dal ka dhexeeya iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ah ee ay wada leeyihiin,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay ENA News Agency oo Jamhuuriya soo xigtay xalay.