dekeda wado1Addis Ababa (ANN) Dawladda Ethiopia, shaacisay inay go’aansatay bilawga inay badeecaddo kala duwan kala soo degto dekedda istiraatiijiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ka danbaysay kadib markii labada dawladood kala sexeexdeen heshiis dhammaadka bishii January 2015.
Sida lagu baahiyey wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa toddobaadkan, Wasiirka Gaadiidka dalka Itoobiya Mr. Workeneh Gebeyehu, ayaa xaqiijiyey in waddankiisu kala soo degi doono dekedda Berbera shan ilaa toban badeecadood (Five to 10pc), iyadoo hawshaasina bilaabmi doonto bishan lagu jiro ee February.
“Shan ilaa toban badeecadood oo ka mid ah waxyaabaha Ethiopia ka soo iibsato dibadaha ayaannu qorshaynay in aannu kala soo degno dekedda Berbera, iyadoo aannu raadin doono dekeddo sax ah oo qaybaha kala duwan ee waddanka ah, laakiin dekedda Jabuuti ayaa mar walba noo ah mudnaanta ugu horraysa,” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka ee dalka Ethiopia.

Workeneh Gebeyehu
Shirkadda xamuulka Maraakiibta iyo fududaynta adeegyada ee ESLSE (Ethiopian Shipping and Logistic Service Enterprise), ayaa dhinacooda xaqiijiyey inay dhammaystireen heshiis ay ku isticmaalayaan dekedda Berbera, iyadoo shirkadu sheegtay in markab ay leeyihiin oo sida 20 ilaa 30 koontiinar uu ku soo xidhan doono marsada Berbera bishan lagu jiro ee February 2015.
Sida lagu xusay warbixinta lagu daabacay wargeyska Addis Fortune, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Fulinta shirkadda ESLSE, ahna injineerka guud ee waaxda adeegada maraakiibta Mr. Alemu Abaye, ayaa faahfaahin ka bixiyey dalalka Itoobiya ka soo iibsato badeecadaha ay doonayaan inay kala soo degto Berbera, kuwaasoo kala ah; Hindiya, dalalka Bariga Dhexe, Sacuudiga, isla markaana ay ku hawlan yihiin sidii ay u ballaadhin lahaayeen adeegaas, una gaadhsiin lahaayeen dalka Shiinaha iyo waddamada ku yaal bariga fog, badeecadahaasoo oo ay doonayaan inay kala soo degaan dekedda magaalada Berbera ee dalka Somaliland.
“Waxa aannu doonaynaa in dekedda Berbera noqoto meel aannu mustaqbalka u adeegsano in aannu kala soo degno waxyaabaha dhinaca tamarta loo isticmaalo (sida, baadroolka, gaasta, dhuxusha iyo saliida).” Sidaa waxa yidhi Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee hay’adaha arrimaha badda (maritime Affairs Authority) Mr. Tesfaye Chanchissa, waxaannu intaas ku daray; “Waxa jira farqi aad u yar oo u dhexeeya lacagta nagaga baxda isticmaalka dekeddaha Djibouti iyo Berbera, waxaannu qiimaha bixintu ku salaysan yahay rarista iyo rogista (loadin and unloadin) badeecadaha aannu kala soo degayno.”
Hay’addaha dhinaca xammuulka maraakiibta iyo adeegada baddaha ee Ethiopia, ayaa sheegay in heshiiskooda cusub ee Somaliland yahay inay badeecado kala soo degi doonaan dekedda hal mar labadii toddobaadba.
Dekeddaha dalka Jabuuti, ayaa la sheegay in lagu samaynayo maalgalin xoogan si ay u sii xejistaan macmiilkooda waddanka Ethiopia, iyadoo lacag dhan $9.8 bilyan oo dollar lagu bixinayo ballaadhinta dekedda Djibouti, mashruucaas la filayo in la dhammaystiro sannadka 2017, lana doonayo in dekedaas la ballaadhiyo in ka badan 15 jeer sida ay hadda tahay.
Hasayeeshee, dawladda Ethiopia, ayaa go’aansatay in aanay isku halayn karin isticmaalka dekedda Djibouti oo qudha, maadaama baahiyada waxyaabaha ay dibadaha kala soo degaan aad u weyn tahay, waxayna taasi sababtay inay indhaha ku jeediyaan isticmaalka dekeddo kala duwan oo ay ka mid yihiin dekedda Berbera iyo dekedda Port Sudan ee dalka Sudan.
Source: Jamhuuriya
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com