Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Ethiopia ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, ayaa loo kordhiyay muddo xileedka, kadib markii ay gabaabsi noqotay, isla markaana ay dib u dhacday doorashadii la filayay in ay ka dhacdo dalkaa.

Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaannada dalka Ethiopia, ayaa u coddeeyay in la kordhiyo muddo xileedka Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra;iisul Wasaare Abiy Axmed, iyadoo loo la meel mariyay in ay xilka sii hayso muddo aan la sheegin inta ay noqonayso.

Mudanayaasha, ayaa sidoo kale isku raacay in muddada loo kordhiyo maamul goboleedyada federaalka Ethiopia, waxayna sheegeen in doorashada guud ee qaranka la qaban doono 9 bilood kaddib marka ay mas’uuliyiinta Caafimaadka ku dhawaaqaan in xaaladda caafimaad ee dalku wanaagsantahay, isla markaana laga baxo xaaladda xilligan ee COVID-19.

Go’aanka Baarlamaanka Ethiopia ee mudada xilka loogu kordhiyay ilaa muddo aan la cayimin, ayaa durba laga bixiyay dareen walaac xooggan, maadaama aan la oggayn xilliga laga baxayo xaaladda, waxaana mucaaradka xukuumadda Abiy u arkaan marmarsiinyo, iyadoo ay hore maamulada Federaalka qaarkood u shaaciyeen in ay qabanaayan doorashada oo aannay waafaqsayn in dib loo dhigo, taas oo ay ku tilmaamayeen in ay tahay dastuur jebin.

Sidoo kale, waxa jira walaac laga qabo in Xukuumadda Abiy ay mar kale dalaban karto muddo kordhin, iyadoo dhinaca kale laga cabsiqabo in xaaladda siyaasadeed ee murugsan ay faraha ka baxdo.

AKHRI: Haweenayda Muslinka Ah Ee Afhayeenka Baarlamaanka Ethiopia Oo Is Casishay

Dhinaca kale, arrintan, ayaa kusoo beegantay kaddib markii Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ethiopia  Kheyra Ibraahim ay xilkii iska casishay, iyadoo sheegtay in ay ka cadhootay dib u dhigista doorashada, taas oo xisbigeeda TPLF ee Tigreegu si weyn uga soo horjeeday, iyadoo sheegay in ay gaarkood qabsanayaan doorashadda.