Araweelo News Network

ethiopiankakabaxayBeledweyne(ANN)Waabergii saaka waxa la arkayay ciidamada Ethiopia oo ay wehliyaan ciidamo yar oo Soomaali ah oo iskood uga baxay saldhigayadii milatari iyo kuwii maamulka ee deegaanka Ceel Cali sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Ciidammada ka baxay Ceel Cali waxay u jihaysteen sida ay wararku sheegayaan dhinaca Beledweyne , waxaana weheliya oo la socda xubnihii maamulka ee deegaanka.

Xooggaga Al-Shabaab ayaa barqadii maanta qabsaday deegaanka Ceel Cali oo qiyaastii 75 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kaddib markii ciidamada Ethiopia ka baxaeen halkaa.

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo markoodii horeba aan sidaa uga fogeyn deegaanka Ceel Cali ayaa barqanimadii galay magaalada, iyagoo durbadiiba billaabay inay dagaan saldhigyadii iyo xarumihii ay ka guureen ciidammada Ethiopia.

Warar ayaa sheegaya in Dadka dagan Ceel Cali intooda badan guryaha ku jiraan oo ay diideen inay dibada usoo baxaan, balse waxa jira Odayaal la kulmay saraakiisha Al-Shabaab oo kala hadlay sidii ganacsigii iyo noloshii magaalada caadi loogu soo celin lahaa.

Xalay intii aanay ka guurin ciidamada Ethiopia Ceel Cali, waxaa saldhigooda lagu weeraray madaafiic aan la ogayn in khasaare uu ka dhashay.

Ceel Cali waa magaalo istraatiiiji ah oo isku xidhta magaalada xarunta u ah gobolka Hiiraan ee Beledweyne iyo gobolka Bakool waxaana ciidammada ay qabsadeen halkaasi badhtamihii sanadkii hore ee 2015.
Bartamihii bishii hore ee September ciidammada Ethiopia waxay banneeyeen deegaanka Moqokori ee isla gobolka Hiiraan iyadoo markiiba ay qabsadeen Al-Shabaab.

Sidoo kale bilihii ugu danbeeyay ciidamada Ethiopia waxa ay ka guureen tuulooyinka Rabdhuure, Buur dhuxunle iyo Garasweyne oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool.

Dhinaca Galgaduud Ciidamada Ethiopia waxay bilihii ugu danbeeyay ka guureen Galcad iyo Budbud.

Ma jiro war ka soo baxay saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ethiopia, ama kuwa Soomaalida oo ku saabasan ka bixitaankoodii saaka ee Ceel Cali iyo kuwii ka sii horeeyay ee tuulooyin ka tirsan gobolada Hiiraan Galgaduud iyo Bakool.
Rabshadaha Ethiopia

Hase yeeshee ka bixitaankan u dambeeyay ee Ciidamada Ethiopia kaga baxeen deegaamo muhiim ah, ayaa kusoo beegmay iyadoo dowladda Ethiopia ay wajaheyso mucaarad xooggan iyo mudaaharadyo rabshado wata oo ka socda gudaha Ethiopia.

Muharaadyada ka socda dalka Ethiopia oo sababay dhimasho, isla markaana galaaftay ganacsi iyo maalgashi ay lahaayeen dad ajaanib ah, ayaa keenay in Xukuumadda Ethiopia ay ku dhawaaqdo inay dalka kusoo rogto Lix bilood oo xaalad degdeg ah, ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay gobolka qowmiyada ugu badan ee Oromiya.
Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen November-tii kal hore. Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.