Araweelo News Network

Fatxullahi Gulen

Fatxullahi Gulen

Ankara(ANN) Caalamka oo idil ayaa kusoo baraarugay khatarta wadaadka mushrigga ah ee Fatxullah Gulen wixii ka dambeeyay 16,July,2016 xilligaasi oo uu dhacay inqilaabkii Fashilmay ee wadanka Turkiga.

Wadaad ku sheeggan gaaloobay oo asalkiisa ahaa suufi ayaa markii dambe isku bedelay milyuneer sheegta in uu dambiga dhaafo sida uu sheegay mid kamida gacan yarayaashiisa oo markii dambe kasoo goostay.

Barnaamijka Bilaa Xuduud ee kabaxa Telefeshinka Al Jazeera ayaa lagusoo qaatay xalqada koowaad wareysi dhinacya badan taabanaya oo lala yeeshay Ladiif Ordogaan oo kamid ahaa gacan yarayaasha Gulen.

Dowladda Turkiga waxay sheegtay in inqilaabkii fashilmay uu soo abaabulay Fatxullah Gulen oo hadda ku nool buuralayda Bansafeeniya ee wadanka Mareykanka.

Barnaamijkan ayaa iftiiminaya nolosha dhabta ah ee Fatxullah Gulen oo hay’ado iyo xarumo waxbarasho ka helo lacago malaayiin dollar ah bil walba.

Arrinta layaabka leh waxaa weeye daqiiqadda 33-aad ee Barnaamijka oo ku xigeenkii Gulen uu uga dhawaajinayo arrimo layaab leh wuxuuna soo guurinayaa hadaladdii Fatxullaah Gulen uu rabbinimo ku sheegtay.

“Aniga ayuu si gaar ah iigu sheegay Fatxullaah Gulen wuxuu igu yidhi allaah ayaan lasoo kulmay oo dhowr mar ayaan samada u duulay” sidaasi waxaa yidhi Ladiif Erdogaan oo mar ku xigeen iyo gacan yare u ahaa Ninka gaaloobay ee Fatxullahi Gulen.

Wariye Axmed Mansuur ayaa Ladiif weydiiyay waxaad sheegaysid maku dhaaran kartaa, ladiif Erdogaan ayaa si Live ah Telefeshinka Al Jazeera kitaabka allaah ugu dhaaranaya in hadalladaasi kufriga ah uu kasoo guuriyay Hoggaamiyaha Mucaaradka Turkiga.

“Ardayda Jamaacadiisa oo aan aniga kamid ahaan jiray wuxuu u sheegi jiray in uu yahay Rabbi dambiga dhaafa oo xumaanta ka ilaaliya bani’aadamka”ayuu yidhi Ladiif Erdogaan oo 45 sanadood lasoo shaqeeyay Fatxullaah Gulen.

Ladiif oo la weydiiyay sababta khaladaad nuucaas ah ay ugu dhaceen dad muslimiin sheeganayo gaar ahaan ardaydii Turkiga ee Ururka Fatxullaahi Gulen taabacsanaa ayaa taasi u sababeen in dhaqanka shadaxaadka suufida ama baxrul buxuurka ay adeegsadaan suufida uu yahay mid atbaacdooda indhaha ka qaaday tusaale ahaan inxiraafka waxay kasoo bilaabaan in ay sheegtaan awliyo illaa marka dambe ay ku dhacaan gaalnimo ah in alle wax la wadaajiyaan.

Wadaadkan sheydaaniga ah ayaa dadka jamaacadiisa taabacsan u sheegi jiray in uu yahay mid u dhow Xablul wariidka oo ah sifa allaah Subxaanahu watacaa leeyahay oo Bin’aadamku aanu laheyn ” jamaacadiisa waxay u ictibaariyaan mid udhaw Xablul wariidka waana kuwa lunsan oo ilaah ka aaminsan Fatxullah Gulen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ladiif Erdogaan.

Wadaad ku sheegan oo sanaddii 1971-kii dhaq dhaqaaqiisa maasooniga ah kasoo bilaabay magaalada Izmiir ee dalka Turkiga ayaa gacan weyn ka helay sirdoonada Mareykanka CIA iyo Mosaadka Yahuudda, waxaana xusid mudan in dowladihii calmaaniga ahaa ee Turkiga soomaray aanay wax dhib ay ugeysan jirin isaga iyo jamaacadiisa.

Culimada islaamka ayaa ku raacsan in soo guurinta aqwaasha kufriga ay banaantahay si muslimiinta looga digo shubahaadka kuwa khuwanada ah ee bidcada iyo baadilka faafinaya, Wadaad ayaa loo arkaa khaa’inka kaliya iyo in uu mucaaradsanyahay xukuumadda Turkiga.