Qofkii u Horreeyay ayaa u dhintay Hantavirus xilli dunidu la daalaadhacay oo u caalweyday Coronavirus

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.

Beijing(ANN)- Xukuumadda Shiinaha, ayaa ka digtay walaaca laga qabo fayriska cusub oo mar kale ka dilaacay Shiinaha. Wasaaradda caafimaadka dowladda Beijing, ayaa xaqiijisay in la arkay cudurka cusub oo ah halis markale soo foodsaartay Aadamaha.

Dhawaaqa Cudurka Cusub ee lagu arkay geyiga Shiinaha oo lagu magcaabo Hantavirus, ayaa soo if-baxay, xilli cudurka Coronavirus oo kasoo bilaabmay Desember 2019, Magaalada Wahun ee dalka Shiinaha, isla markaana ku faafay dunida oo dhan xilligan dhinaca dalka Shiinaha uu hoos u dhacay Coronavirus.


Hase yeeshee xaaladda cusub ee Fayriska Hantavirus, sida uu sheegay Wargeyska maalinlaha ah ee Shiinaha ‘The Global Times‘ ayaa sheegay in qof ka soo jeeda koonfurta-galbeed ee gobolka Yunnan uu dhintay cudurka cusub ee Hantavirus.
Saraakiisha Caafimaadka Shiinaha, ayaa sheegay in Hantavirus oo ka yimi Jiirka, aannu sida Coronavirus u cabsi badnayn, walaw uu faafayo, waxaana tirooyinka dadka uu gaadhay caabuqa Hantavirus gaadheen 32 qof, kuwaas oo ku safrayay gaadhi Bas ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Shiinaha.

READ: Man dies of hantavirus in China Another Infectious Disease: Report

Fayriska caabuqa Hantavirus, waxa markii ugu horraysay laga soo sheegey Maraykanka sannadkii 1993, waana mid ka dhasha cunista Jiirka oo si weyn dalal badan oo Shiinuhu u horreyo looga isticmaalo.

Baadhitaano xilliyadaa la sameeyay, ayaa sheegayay in Hantavirus, aannu lahayn wax u gudbinta inuu u gubo bina’aadamka, balse Fayriskan dad laga helay dhinaca dalka Argentin sannadkii 1996, waxa soo baxday in noocyada Hantaviruses ee South America laga yaabo in lagu kala qaado qof ilaa qof,” sida ay sheegtay xarunta fadhigeedu yahay Maraykanka (Centers for Disease Control and Prevention) ee Xakamaynta iyo Kahortaga Cudurrada faafa.

Hantavirus, markii ay maqleen dadka Shiinaha inuu qofkii u horreeyay u dhintay, waxay markiiba si degdeg ah u joojiyeen cunista hilibka Jiirka oo ah halka uu ka yimi fayriska HantaVirus.


Waraabinta Maraykanka, ayaa markii uu warka Hantavirus soo baxay, waxay bilaabeen inay Xukuumadda Shiinaha uga digaan inuu Hantavirus mar kale dunida geliyso jaahwareer iyo cabsi.


Fayriska cusub ee Hantavirus, ayaa soo shaacbaxay iyadoo dunidu u caalweyday Coronavirus oo si weyn dunida u qalibay, kadib markii uu December 2019, kasoo bilaabmay Wuhan oo dalka Shiinaha ah, isla markaana isaga gudbay dacalada aduunka, isagoo si weyn daamayn ugu yeeshay nollosha, Aadamaha, dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan xidhiidhka bulshooyinka iyo dhaqdhaqaaqa iyo socodka Aduunka.

Coronavirus, ayaa dhammaadkii sannadkii 2019 (COVID-19, kasoo bilaabmay Wuhan oo ah magaalo ganacsi oo ku taal dalka shiinaha, balse dhibaatadu kuma koobnaan Shiinaha oo keliya ee wuxuu Faafitaanka Fayriska ee ka gudbay xuduudaha, isagoo saamayn ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka, siyaasadda, amniga, iyo dowladnimada, waana Fayriskii inta la xusuusanyahay taariikhda sidaa xawliga muddo koobban isaga gudba dacalada dunida ee abuura cabsi weyn.

Tan iyo Desember 2019, waxa uu gaadhay Coronavirus oo haleelay inta la ogyahay, dad gaadhaya 435,382 iyadoo tirooyinka la hayo Desember ilaa xiligan oo beeggan saacadda Bariga Afrika ( Wednesday, March 25, 2020, 3:17 PM EAT,) ay warbixinihii u danbeeyay sheegayaan in tirada dhimashada ee Aduunka oo dhan inta la ogyahay ay gaadhay, 19,620 halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya 111,878 ,sida lagu shaaciyay xoggaha rasmiga ah ee la diiwaan geliyay.

Tirada aduunka u dhimatay Caabuqa Cudurka Coronavirus dalka ugu badan tirada dhimashada, ayaa noqday Talyaaniga oo ay ku nafwaayeen 6,820 qof, halka Spain ay dhimashadu gaadhay 3,434 qof.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.

E-Mail: Jaamac132@gmail.com