Araweelo News Network

faysal UCIDHargeysa (ANN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa eedaymo kala duwan u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Eng. Faysal Cali-waraabe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in Guddoomiye Cirro iyo mudanayaal ka tirsan wakiilladu ka shaqaynayaan sidii markale dib loogu dhigi lahaa doorashada golahooda.
“Doorashada waxa dib u ridaya waa Golaha Wakiillada, waxana qorshahaas ku jira rag ka mid ah Golaha Wakiilada, waxayna doonayaan inay iska fadhiyaan sida Golaha Guurtida oo kale. Waxa kaloo ay doonayaan in la kala qaado (labada doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada). Lama kala qaadayo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Waxa uu intaas ku daray, “Ma ahayn in Cabdiraxmaan uu guddi u diro ku soo wareega gobollada oo ka hadla saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada. Annaga oo ah saddexda xisbi ayaa qaybinnay sannadkii 2005-kii, markii aannu qaybinaynayna wuu jooga oo wuu ila fadhiyey Cabdiraxmaan Cirro. Markaa si uu dib-u-dhac u sameeyo ayuu doonayaa imminkana.”
Waxa kaloo Guddoomiye UCID uu markale naqdiyey labada xil ee uu isku hayo guddoomiye Cirro, waxaannu yidhi; “Nin Guddoomiyaha Wakiillada ah oo haddana ah guddoomiye xisbi mucaarid inuu haddana sharciga inuu hayo meel ay shuruucda kaga jirtaa ma jirto, taasina waa jilayca dawladda Somaliland iyo dastuurka aan la eegayn, waana shaqo qaybo ah (par time job), shaqada Golaha Wakiilladuna waa inay noqoto shaqo buuxda (full job). Aniga iyo Siilaanyo maxaannu u geli waynay baarlamaanka, illeyn laba guddoome ayaannu ahayne? Sharci maaha in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu haddana noqdo guddoomiye xisbi, waxase looga baahan inuu noqdo mid dhex ah oo qaranka u shaqeeya oo aan cidna (xisbina) ka soo jeedin. Markaa Cabdiraxmaan ayaa wada in doorashadu dib u dhacdo.
Haddii labada doorasho la kala qaado, waxa soo horreynaysa dorashada Golaha Wakiillada oo waa inay qabsoonto bisha January 2017, doorashada madaxtooyaduna qabsoonto April 2017, haddii kale waa in la is dul saaro labada doorasho.”
Sidoo kale, waxa uu caddeeyey in aanay xisbi ahaan oggolayn in la kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isagoo xusay in loo hoggaansamayo go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ee Somaliland ku midaysay doorashooyinka.
“Dagaalkii innagu dhacay waxa sameeyey madaxda dawladdii Siyaad Barre, mana ah in cid ka xanaaqdo xasuuqa oo tidhaahdo lama soo hadal qaadi karo, lamana beenin karo taariikhda, go’aanna waynu ka qaadanayey oo waxaynnu sheegnay in aanay ina metelin dadka halkaas jooga (Soomaaliya), laakiin hadda intii way soo dhaaftay oo Xasan Sheekh waabu qaybiyey dalkeennii oo wuxuu innaga dhigay dawlad-goboleed lixaad oo Soomaaliya oo dhan ah iyo Somaliland oo la isku daray, wuxuuna yidhi; ‘waxaan samaynayaa aqal sare oo xildhaannadu kala metelayaan dawlad-goboleedyada,’ wuuna ku daray Somaliland. Arrintaas waxaannu u aragnaa inuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland (declaration of war). Waxa uu sameeyey guddi doorashooyin oo ka kooban 22 xubnood; shan xubnood oo uu ka soo xulay wasaaradihiisa, shan xubnoodna aqoonyahanka, laba xubnood waa Somaliland, laba xubnood waa Puntland oo ay ku jiraan Sool iyo Sanaag. Bal eega nacaskaas (madaxweynaha Soomaaliya) isagoon lahayn awood uu ku tago Xalane (xero Muqdisho ku taal) doonaya inuu dalkeenna dhisan oo uu weliba laba gobol innaga jiray,” ayuu yidhi Eng. Faysal oo qaylo-dhaan dheer ka bixiyey shirqoollada maamulka Muqdisho u maleegayo qaranka Somaliland.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha UCID ayaa ugu baaqay dawladda iyo dadweynaha Somaliland inay ka dhiidhiyaan, kana hawlgalaan sidii wax looga qaban lahaa farogelinta qaawan ee madaxweynaha Soomaaliya ku hayo madaxbannaanida iyo xuduudaha dalkooda.