madaxda UCID

Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo safar uu kaga soo laabtay Dalalka Jaarka ee Ethiopia iyo Djibouti, isagoo sheegay inuu kala hadlay ahmiyada deganaanshaha iyo xasiloonida Somaliland u leeyahay mandaqada gaar ahaan labdaa waddan.

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu sheegay in aanay Somaliland waxba yeeli Karin qof meel galay, ama meel ka hadlay, isagoo tusaale usoo qaatay Suldaan ka mid ah Madaxdhaqameedka Awdal oo dhowaan sheegay inay ka noqdeen go’aankii lagu dhisay Somaliland, kaas oo dhawaaqiisu xiisad iyo dareen nux-nux ah ka abuuray deegaanka Boorama.

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka sheegay mar warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa maanta, iyadoo ay halkaa kusoo dhoweeyeen Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen, C/Rashiid Xasan Mataan oo ah Musharaxa ku lamaan ee Madaxweyne xigeenka UCID iyo masuuliyiin kale.

“ Anigu waxaan maqnaa muddo 10 cisho ah waxaan ku maqnaa wadamada aynu jaarka nahay Djibouti iyo Ethiopia labada waddan waxay ka mid yihiin dawladaha ku jiraa IGAD haddii aynu doonayno in aynu yeelanno xidhiidh siyaasiya ahna waa halka aynu ka bilaabayno qaddiyadda Somaliland dhawr jaranjaro ayay leedahay IGAD ayaa kow ka ah AU ayaa ku xigtaa markaasaa kor loo baxayaa marka labada waddan danteena ayunbaan u tagay si fiicanna waanu isku soo af garannay marka Somaliland degenahaanshaheeda iyo amnigeeda dan ayay u tahay cid kasta geeska Africa oo dhan in ay Somaliland xuduudaheedu tahay xuduudo international ah ayaanu kala soo hadalnay in Somaliland diyaar u tahay cid kastoo wax tabanaysa in ay gacmo furan ku soo dhaweeso in ay Somaliland aad iyo aad raalli uga tahay in ay degto Somalia waayo nabad galyo darrada ka jirta Somalia innaga dhibaato wayn ayay innagu haysaaa, waayo waxaynu nahay qof Caafimaad qaba oo qof bukka lagu xidhay inta uu jiifo adna waad jiiftaa oo wuu kugu xidhanyahay ” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

“ Odayaasha reer awdal ee daraad hadlay waa nidaamka kaliya ee ay Somaliland ku waartay uga biqi mayno reer awdal in dhibaato u geystaan naadgalayda Somaliland iyo jiritaankeedaba mar kasta waxaan idhaahda reer Somaliland waxay ku fadhida Sijaayada Reer Awdal waxaan jecelahay in arrinta suldaankuna ay dhamaan doonto xukuumaddanu ha iska dayso fal celinta degdeg ah qof wax tirsaday oo meel galay Somaliland waxba ma yeeli karo waxaan jecelnahay in ay cagta u dhigto oo ay dadka u dhago furnaato oo noqoto mid dadka midaysaa maalin dhawayd oo aan hadlay ayaa waxa la sheegaya in reer awdal si khaldan u qaaten waxaan u sheegaya reer Awadal annaga iyo dawladda farqiga noo dhaxeeya waxaa weeyaan waa Awdal oo aan idhaahdo xuquuqdeedi ha la siiyo tabashadeeda ha la dhagaysto reer saylac waan ogahay oo way wada dagtaan dhulku wuu innaga badanyahay ujeedadu waxay ahayd yaan laga haajirin Somaliland ee ha loo soo haajiro ” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbig Ucid Eng Faysal Cali Waraabe

Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com