Hargeysa(ANN)-Filim Magaciisu yahay Qab Iil oo ka hadlaya dhibaatooyinka Bulshada Soomaalida ee Collaaduhu aafeeyeen, ayaa la shaaciyay in la baahiyay muuqaalka Filimkaa oo uu soo saaray Hal-abuur Soomaaliyeed oo magaciisu yahay Axmed Faarax, kaas oo ah maskaxda ka danbaysay soo saarista Filimka QAB IYO IIL


Muuqaalo hordhac ah oo Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaliga lagu baahiyay ,waxa lagu waraystay Axmed Faarax oo ka waramay sida ay ugu dhalatay inuu sameeyo qisada Filimkaa.

 Axmed Faarax soosaaraha filimka  QAB IYO IIL.    photo by   Riyo Films
Axmed Faarax soosaaraha filimka QAB IYO IIL. photo by Riyo Films

QAB IYO IIL, waxa muuqaalada hordhaca u ah ka dhex muuqda Suxufigii Caanka ahaa Allah ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke oo metelayay xiligaa Filimka la jilayay Oday Soomaaliyeed, wuxuuna xambarsanyahay Filimku fariin wayn oo bulshada Soomaalida lagaga wacyi galinayo dagaalada ku salaysan qabiilka oo inta badan ka dhaca deegaanada ay Soomaalidu dagto kuwaas oo sababa dhimasho iyo barakac.

Filimkaa oo ay sidoo kale ka qaybqaadanayaan dad ka badan 60 qof, waxa lagu duubay deegaanka Xeedho ee dhanka Woqooyi kaga beegan magaalada Hargeys, taas oo ay soo saaraha Filimka iyo Marxuum Cawke u arkeen goob ku haboon in lagu jilo Filimkaa.

Axmed Faarax waa filim sameeyaha Soomaaliyeed oo ah maskaxda ka danbaysay soo saarista QAB IYO IIL, wuxuu ka waramay sida ay ugu dhalatay qisada Filimku xanbaarsanyahay, isagoo yidhi, ”Qisadan waxay igu dhacday sannadkii 2008, aniga oo tuulo Soomaaliyeed ka tagay oo mid kale u socda ayaa lay waydiiyay qabiilkayga cidda aan ahay, kadibna waan khal-khalay sababtoo ah waan garan waayay, waxaanse markii danbe ku idhi ninkii ila socday haddii aan ku adkaysto Soomaalinimada maxa dhacaya kadib sheeko ayaan ka qoray oo aan sidaas ku sameeyey sheekada QAB IYO IIL”

Axmed Xasan Cawke oo loo haysto in uu sheego qabiilkiisa, isagoo jilaya Filimka, Photo by   Riyo Films
Axmed Xasan Cawke oo loo haysto in uu sheego qabiilkiisa, isagoo jilaya Filimka, Photo by Riyo Films

Filimkan waxaa jilaaga koowaad ka ahaa illah ka u naxariistee Axmed Xasan Cawke oo ahaa suxufi xushmad wayn ku dhex lahaa bulshada Soomaalida, muddo badana kasoo shaqeeyey BBC-da. Cawke oo aan looga baran filim jilista ayuu Axmed Faarax oo ka hadlaya sida uu ugu soo biiray ka qayb galka jilayaasha filimkan, wuxuu yidhi,

” Maadaama aan Cawke saaxiibo ahayn ilaa 2012 meesha aan rabay in aan filimka ku sameeyana ay ahayd Hargaysa isaguna uu ahaa qof si wayn loo qadariyo waxaan ula tagay in uu iga caawiyo deegaanka aan wax ku duubayay dhanka dowladda Somaliland in uu noqdo qofka aan wajigiisa ku socdo kadib wuxuu i waydiiyay sheekadu waxay ay tahay markaas ayaan ku idhi, maad adigu matashid Odayga filmka , kadibna wuxuu igu yidhi, “diyaar baan ahay” mana ahayn jawaabtaa mid aan ka filayay, waxayna ii ahayd farxad aad u weyn/”ayuu yidhi, Axmed Faarax.


Filimkan wuxuu ku saabsanaa deegaano ay barakicinayaan dagaalo sokeeye oo ku salaysan qabiilka mowduuca uu filimku ku dhamaanayo ayaa ahaa fariin uu dhiibay Cawke kadib markii maleeshiyaad beelo ah ay qabteen isaga iyo wiilkii yaraa ee uu awowga u ahaa waxa la waydiiyay qabiilka uu yahay isaguna wuxu ku jawaabay, ”Cidayda miyaad doonaysaa Soomaali baan ahay “aniga miyaad leedahay waan ku dilayaa, waxan ku waydiiyay haddaad i disho inta aad i raacdo miyaad i cadaabi oo ma dilbaa kaasi mar uun ayaan dhiman lahaa” sidaas waxa yiri illaahay ha u naxariistee Cawke filmka dhamaadkiisa.

Deegaamo badan oo Soomaalidu dagto waxa ka dhaca dagaalo ay sababaan khilaaf ku salaysan dhul ballaadhsi iyo loolanka awoodaha oo saamayn ku yeesha nolosha iyo adeegyada aasaasiga ah.