Araweelo News Network

wadanishirkaHargeysa (ANN)Shir weynihii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, ayaa saaka si rasmi ah uga furmay Huteelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa,waxaana madasha lagu qabtay shirkaa oo xamaasad ka muqatray, ka soo xaadiray masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga WADDANI oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo dhammaanba ergooyinka kala duwan ee ka qayb-gelaya shirkaa.

waddani2
Shirkaa oo ah shirkii koobaad ee golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsado, waxa lagu dooranayaa Musharaxiinta Xisbiga uga qaygelaya tartanka doorashada, waxaana sidoo kale lagu ansixinayaa qaab dhismeedka hoggaanka xisbiga iyo qorshayaal kale. Dhanka kalne shinka ayaa waxa lagu soo casuumay marti sharaf kala duwan,kuwaas oo ay ka mid ahayeen madax ka socotay Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE iyo masuuliyiin ka socotay Xisbiga mucaaradka ah ee UCID , xubno ka socday komishanka doorashooyinka qaranka, salaadiin cuqaal, iyo xubno kale oo ka socday ururada kala duwan ee bushada, qurba-jooga iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Shirka golaha dhexe ee WADDANI, ayaa kusoo beegmay, iyadoo Xsibigaa ay ku biireen dhowaan koox siyaasiyiin ah oo hore uga tirsanaa Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE, kuwaas oo la baxay Isbedeldoonka Dumuqraadiyada ee KULMIYE, isla markaana saamayn ku yeeshay Xisbiga WADDANI, iyadoo xubno hore uga mid ahaa Xsibiga WADAANI, saaluug ka muujiyeen saamaynta ay durba kooxdu ku yeelatay Xisbiga siyaasadiisa iyo hoggaamintiisa.
Sawaxan iyo gacan ka hadal, ayaa ka dhacay madasha. Kadib markii ay saraakiil ka tirsan madaxda Xisbigu ugu maandhaafeen qaabka Biritikoolka ee loo maamulay shirka, waxayna arrintaasi sababtay inuu madasha shirka dibadda uga boodo Guddoomiye ku xigeenkii sadexaad ee Xisbiga Xildhibaan Faarax Dheere oo dhaliil u jeediyay qaabka loo maamulay shirka golaha dhexe.