Hargeysa (ANN)- Gaadiidka isaga gudba Hargeysa iyo Berbera ayaa hakad galay kadib markii khasaare ka dhashay daad xoggan uu waxyeelay biriishka Lafa-ruug.
Wargelin Muhiim ah oo kasoo baxday Booliska Jamhuuriyadda Somaliland cawayskii caawa oo Sabti ah ayaa lagu yidhi, “Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan gaadiidleyda iyo dadka u kala safraaya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, in Biriishka Lafo-ruug ee ku yaalla gobolka Saaxil uu go’ay maanta, kaddib roobab xooggan oo ka da’ay deegaankaasi.
Waxyeelada soo gaadhay biriishka ayaa sababtay in gabi ahaanba la joojiyo isku socodkii gaadiidka ee u kala gudbaayey labada magaalo, si loo ilaaliyo badqabka shacabka iyo hantidooda.
Ciidamada Booliska JSL, oo si dhow ula socda xaaladda, ayaa si degdeg ah u hakiyay isku socodka gaadiidka. Dadweynaha waxaanu si xushmad leh uga codsaneynaa in ay raacaan awaamiirta ciidamada, si looga hortago khatar kasta oo suurtagal ah.
Dhinaca kale, Dawladda iyo hay’adaha u xilsaaran hawshan ayaa durba gacanta ku haya xaaladda, waxaana jidka dib loo furi doonaa saacadaha soo socda.
https://www.facebook.com/share/v/1CbJswnUW7/
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/


