Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Qaybo ka mid ah gaadiidka dadweynuhu raacaan ee Basaska ka dhex shaqeeya xaafadaha caasimadda Hargeysa ee Somaliland, ayaa sameeyey shaqo-joojin kadib markii dawladda Hoose ka horjoogsatay inay kordhiyaan qiimaha dadku ku raacaan.
Basaska ka shaqeeya degmooyinka 26-ka June iyo Ibraahim Kood-buur, gaar ahaan kuwa kala baxa xaafadaha Idaacadda iyo Xero-awr, ayaa shaqadoodii rakaabka dadweynaha joojiyey shalay, iyagoo gaadiidka basasku aanay ka soo xaadirin istaanka Idaacadda iyo Xero-awr xalay, kuwaas oo ka cabanayaan inuu saameeyey sicir-bararka ka taagan dalku.
Haseyeeshee, waxa aan shaqadooda joojin oo iyagu si caadi ah u shaqaynayey basaska kale ee u kala goosha qaybaha kale ee caasimadda oo guud ahaan kala baxa ilaa siddeed istaan ama saldhig oo degmooyinka Hargeysa, kuwaas oo iyagu u hoggaansamay heshiis maalintii Axadda ay wada gaadheen Madaxda Golaha Deegaanka magaalada iyo Maamulka iskaashatada Basaska oo ahaa in aan waxba lagu kordhin qiimaha lagu raaco basaska ee 1,500 SLSH (kun iyo shan boqol oo shillinka Somaliland ah).
Tallaabadan basas labada xaafadood ku sameeyeen shaqo joojinta saamayn ku yeelatay dadweynihii u kala socdaalayey jiray xaafadaha iyo badhtamaha Hargeysa ee basaskani ka dhex shaqeeyaan, waxaanna lagu arkayey dad badan oo taagan goobaha ay cidleeyeen basaska ee laga raaco, balse waxa markii dambe bilaabay dadka inay qaadaan gaadiidka Taksiga VITZ ee loo yaqaanno dukhaanka oo iyagana aan hore loogu ogolayn inay ka rakaabsadaan istaannada iyo dariiqyada ay basasku ka shaqeeyaan, waxaanna la sheegay in gaadiidkaasi taksiga ee gurayey dadka ay ammaankooda ilaalinayeen ciidammo boolis ahi.
Mid ka mid ah gaadiidlayda basaska sameeyey shaqo-joojinta oo la hadlay telefishanka Star, ayaa ka warramay sababta ay arrintan u sameeyeen, waxaannu yidhi, “Basaska waxaannu u dhignay shidaalkii oo nagu qaaligaroobay, dawladdii oo caqabad nagu haysa oo annagii na dabataagan uun oo dadkii danta kama hadlayso ee taayadii ayuun bay eryanaysaa, shidaalkan iyo sicir-bararkan markay ka hadasho ayuun bay annaga nala hadli kartaa, inta kale halkaas ayey noo oolayaan ilaa aannu isbeddel helayno oo qalabka gaadiidkayaga iyo kharashkayagu ay is qaybsanayaan.”
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah darawallada gaadiidka Basaska shaqada joojiyey, inkastoo aanay jirin cid xaqiijisay tirada la xidhay.
Dhinaca kale, Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagowayne) oo ka hadlay shaqo-joojinta ay sameeyeen basasku, ayaa ku hanjabay inay sharciga la tiigsan doonaan cidda ka dambaysa go’aankaasi, “Iskaashatada basaska waxaannu shalay (Axaddii) isla qaadanay in aan laga badin karin 1,500 SLSH ee basku ahaa, istaanka ama cidda lagu qabto ee ka dhigta 2000 SLSH in loo qaadan doono khalad maadaama siddeedii istaan ee basasku isla qaateen in aan la kordhin qiimaha, ilaa hadda hal istaan oo aan weliba u dhammayn oo cid gaar ahi dabada ka wado oo doonaysa rabshad iyo mudahraado, waanuna ognahay shakhsiyaadka dabada ka wada istaankaa oo tallaabo sharciga waafaqsan baanu ka qaadaynaa,” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Cagowayne.