Araweelo News Network

General Slobodan Praljak

The Hague (ANN)- Gacan-ku-dhiigle ka qaybqaatay muslimiin lagu xasuuqay dalka Bosniya (Bosnia) sannadihii u dhexeeyay 1993 ilaa 1994-kii, ayaa geeriyooday, kadib markii uu quraarad sun ah ku dhex cabbay gudaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee The Hague.

Ninkan oo magaciisu ahaa General Slobodan Praljak, , waxa uu noqday Wasiir-ku-xigeenka Difaaca ee dalka Croatia sannadkii 1992-kii, isagoo markii dambena noqday Madaxa ciidammada dagaalka ee loo yaqaanay HVO, kaasoo sidoo kale masuul ka ahaa nidaamka xabsiyada, waxaanna lagu eedeeyey inuu ka qaybqaatay xasuuqa muslimiin reer Bosbiya ah oo tiradoodu dhan tahay ilaa 100 kun oo qof, halka sidoo kale lagu helay dambiyo ka dhan ah xuquuqal-insaanka, jidh-dil, kufsi iyo falal axmaqnimo ah, isagoo Maxkamadda Dambiyada dagaalka ee Adduunka isku soo dhiibay sannadkii 2004, waxaanna lagu xukumay xadhig 20 sanno ah.
Hasa yeeshee, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Adduunka (The Hague) oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, hoggaamiyahan gacan-ku-dhiiglaha ahaa waxa la horkeenay Maxkamadda shalay si loo dhegaysto racfaan uu ka qaatay xukunta 20-ka sanno ah ee hore loogu riday, balse markii garsoorayaashu ka diideen racfaankiisa, ayuu jeebka kala soo baxay quraarad sun ah, waxaannu ku cabbay isla miiskii uu fadhiyey ee hoolka Maxkamadda, waxaannu ku dhawaaqay ereyo ay ka mid yihiin; “Annigu ma ihi dambiile-dagaal.”

General Slobodan Praljak

Sida ka muuqata muuqaal Maxkamaddu faafisay shalay, ninkan gacan-ku-dhiiglaha ah, waxa uu muddo ilbidhiqsiyo gudahood ah ku qudhqudhiyey sunta ku jirtay quraarada uu jeebka kala soo baxay, waxayna arrintaasi yaab iyo ammakaag ku riday garsoorayaasha racfaankiisa dhegaysanayey iyo looyarkii u doodayey, iyadoo inta hawshii kale oo dhan la joojiyey si degdeg ah loola cararay cusbitaal ku yaal dalka Holland, halkaas oo uu ku geeriyooday laba saac ka dib markii uu sunta cabbay.
Gacan-ku-dhiiglahan suntan cabbay oo da’diisu ahayd 72 sanno jir, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiin tiradoodu dhan tahay lix xubnood oo ka soo jeeda dalka Croatia oo lagu riday xukuno la xidhiidha xusuuq iyo dambiyo ay gaysteen xiligii ay socdeen dagaallada u dhexeeya muslimiinta Bosniya iyo dawladdii Croatia sannadihii 1993 ilaa 1994, iyadoo xasuuqa ugu badana dhacay muddo 11 bilood ah oo ay dagaalameen qoomiyadaha Muslimiinta ee Boosniya iyo Croats (Kuruweeshiyaan), kuwaasoo markii hore dhan uga soo wada jeeday dagaalkii maamulka Seerbiyiinta oo socday sannadihii 1992 ilaa 1995-kii, waxaanna halkaas lagu xasuuqay muslimiin tiradoodu ka badan tahay tobanaan kun oo qof.