Araweelo News Network

 

 

Taariikhda Prof. Gaalydh oo Koobban

By. Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Jigjiga Ethiopia (ANN)- Hoggaamiyihii caanka ahaa Khaatumo, isla markaaana hore usoo noqday R a’iisal wasaarihii dowladdii ku-meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh,  ayaa ku geeriyooday magaaalda Jigjiga

 

Cali Khaliif Galaydh waxa uu 15-kii October 1941-kii ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee Somaliland.

Galaydh wuxuu galay Dugsiga Dhexe ee Sheekh iyo Dugsiga Sare ee Sheekh ee ku yaal Sheekh Somaliland, oo xilligaa  gobolka Togdheer. 1963 ilaa 1965, Galaydh wuxuu helay deeq waxbarasho si uu uga qeyb galo Jaamacada Boston ee Boston, Massachusetts.

Waxbarashaddiisa heerka jaamacaeed wuxuu ku qaatay dalka Maraykanka, isaga oo shahaadada bachelor-ka ee culuumta siyaasadda  iyo Sayniska  ka qaatay Jaamacadda Boston University 1965-kii.

Waxa uu sidoo kale shahaadada Master-ka ee maamulka dadweynaha (M.P.A) iyo shahaadada PhD ka qaatay Jaamacadda Syracuse ee gobolka New York ee cariga Maraykanka.

Shahaadadaas wuxuu diiradda ku saaray cilmiga maamulka dadweynaha, wuxuuna kasoo baxay dhammaan shuruudihii looga baahnaa inuu Professor ku noqdo.

Buuggii uu darajadiisa aqooneed ku difaacanayay wuxuu qoray 1971-kii iyo 1972-kii.

Sanandihii 1982-kii ilaa 1987-kii wuxuu waxbarasho ka qaadanayay macadka Weatherhead ee lagu barto aqoonta Arrimaha dibadda iyo Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka

Galaydh xarumaha uu kasoo howl galay waxaa ka mid ah macadkii Somali Institute of Public Adminstration (SIPA). Macdkan oo uu markii hore ka ahaa cilmi baadhe ayuu 1973-kii ka qabtay xilka agaasimaha guud.

Intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1976-kii wuxuu agaasime ka ahaa mashruucii Sokorta ee Jowhar (SNAI). Halka 1976-kii ilaa 1982-kii uu maamulayay mashruucii Sokorta ee Juba (JSP), xilligii dawladdii Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa mishiinadii isbedelkii, dhaqaale, siyaasadeed, Millateri, waxbarasho iyo caafimaad ee xilligaa dawladdii kacaanka ahayd.

markii ay Soomaaliya kasoo noqday Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 1965-kii ilaa 1967-kii.

1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu soo ahaa Wasiirkii Warshedaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Balse wuxuu ahaa dadkii aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta haldoorka ahaa ee cararay dalka, kaddib markii ay la shaqayn kari waateen dawladdii Millateriga ahayd ee Kacaanka.

Dr. Galydh oo kaddib macalin ka noqday Jaamacaddaha Dalka Maraykanka, oo muddo saggaal sannaood ka ahaa Professor.

Balse markaa kaddib, ayuu siyaasada kusoo laabtay markii uu bilaabmay shirkii Carta ee Dawladda Djibouti waday 2000, wuxuuna noqday Xildhibaan,  ka hor intii aan loo magacaabin xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, sannadkii 2000, xukuumaddii Cabdiqaasim Salaad Xasan ee ahayd dowladdii ku-meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee lagu dhisay Dalka Djibouti, intii u dhaxeysay October 8, 2000 illaa October 28, 2001.

 

 

 

Balse sannad iyo dhawr bilood kaddib xukuumaddii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida, isagoo xilligaa dalka ka maqnaa sida uu ku sheegay waraysigii ugu danbeeyay ee ku bixiyay Jigjiga  ee la shaaciyay 2 Oct, 2020.

Prof. Galaydh, ayaa dalka u yimi si uu xilka Ra’iisal Wasaaraha u wareejiyo, isagoo markaa kaddib ku laabtay Maraykanka, isla markaana Jaamacadda Maraykanka ee Minisota ka noqday University of Minnesota Professor.

20-kii bishii August ee sannadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu mar kale ka noqday xubin xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse wixii markaa ka danbeeyay Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Galaydh, wuxuu in muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase yeeshee uma suuragalin, balse Sannadki 2014-ka waxaa Cali Khaliif Galaydh loo doortay madaxweynahii maamulkii Khaatumo, wuxuuna markaa kaddib heshiis la galay Xukuumadda Somaliland oo uu markaa hoggaaminayay Madaxweynihii horre ee Somaliland Axmed Siilaanyo.

Marxuumka, ayaa markaa kaddib usoo guuray dhinaca Magaalada Hargeysa, wuxuuna marar baddan ku cel-celiyay in Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Biixi fuliso heshiiskii ay la gashay xukuumaddii horre ee KULMIYE, balse Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa dhegaha ka furaysatay marar baddan oo Dr. Khaliif ku cel-celiyay arrintaa.

 

Cali Khaliif Gallaydh oo xilligan ahaa 78 jir, waxaa sidoo kale uu macalin kasoo noqday Jaamacadda Minnesota ee dalkan Maraykanka, wuxuu ahaa siyaasi xeel-dheere iyo aqoonyahan, wuxuuna ka baxay Gollayaasha Siyaasada iyo aqoonta Bulshada Soomaalida iyo dunida kale.

By. Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Eamil: jaamac132@gmail.com