Hargeysa (ANN)- Ganacsade Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe), oo ka mid ah Ganacsatada shidaalka dalka keenta ee dhowaan xukuumadda Somaliland kala wareegtay Haamaha Shidaalka Berbera, kadina horaantii Septemeber lagu war geliyay in aanay shidaal keenin dalka, ayaa beeniyay wareegtada xukuumadda ee taariikhaysan 1 Sep 2019.


Wareegtadaa oo kasoo baxday Xafiiska Berbera Oil Terminal, isla markaana uu ku saxeexnaa Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera, Xasan Axmed Ambasiy ayaa lagu socodsiiyay Ganacsatada Shidaalka, isla markaana waxa ogaysiin lagu siiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga Wersheddaha iyo Dalxiiska, waxaana lagu ogaysiiyay ganacsatada shidaalka in dowladdu la wareegtay keenista shidaalka halka dhamaan ganacsatadda keeni jirtay shidaalka loo ogol yahay in ay iyagu ka iibsadaan dowlada ka dibna shacabka ka sii iibiyan.


Markii uu soo baxay go’aanka Xukuumaddu kula wareegay keenista shidaalka, waxa soo baxay doodo kala duwan oo inta badan xukuumadda ku taageeray tallaabada ay qaaday, waxaana markiiba hoos u dhacay qiimaha shiidaalka lagu iibiyo ee dalka, balse qaybo ka mid ah Bulshadda ayaa tallaabada xukuumadda ku tilmaamay mid aan loo baahnayn oo laga leeyahay ujeedo kale, iyadoo shirkaddaha shidaalka ka ganacsada aanay soo dhwayn arrintan.

Hase yeeshee Ganacsade Cali Ibraahin Ciise (Cali Waraabe) oo ka mid ah ganacsatada shidaalka iyo maamulka Haamaha ay horre ugu wareejisay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo aan la marin nidaam tartan, ayaa mar uu maanta la hadlay Telefishanka HCTV, wuxuu si cad u beeniyay Wareegtada xukuumadda, isla markaana wuxuu qorshaha xukuumadda ku tilmaamay mid aan waxba ka jiirin.”
Ganaxsade Cali Waraabe,waxa uu dhaliilay Axsaabta Mucaardka iyo Salaadiinta arrintaa ka hadlay, isagoo ku tilmaamay kuwo war been ah ka hadlayay, “warkaa oo ah waa war been ah, ayay xataa Xisbiyadii Mucaaradka ahaa faa’ido ka dhigteen, kuwa Suldaan dgaqameed ah oo war Been ah ka hadlayana waan arkayay. warkaana waa in xaqiiqdiisa la hayaa, Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in Dawladdu shirkad shidaalka ka iibinay Ethiopia ay la hadleen oo heshiis la galeen, balse u sheegeen in aan iyada loo xidhayn, hadaadse haamo noo dhisaysaan waxa fiican inay ganacsatadayadu idinka idinka iibsato, waase marka ay qiimaha keenaan kiinana la arko, mar walbana qiimaha jaban ayaa la raacayaa, ayuu nagu yidhi, Madaxweynuhu markii aanu la kulanay.” ayuu yidhi Cali Waraabe.


“Madaxweynaha Afkiisa kama hayno dawladdaa shidaal keenay, waxaanu ka cabanay Waraaqaha soo baxy ee nasloo soo qoray, wuxuu noo sheegay in waraaqahaa aanay ahayn wax weyn ama wasiir ha qoro, ama Maareeye ha qoro, ama anigu aan qoro ee wixii uu hada aan idinku idhaahdo ayaa soconayaan, ayuu nagu yidhi, Madaxweynuhu.” sidaa waxa yidhi, Cali Waraabe oo ka hadlayay waxyaabaha sida uu sheegay Madaxweynaha ay kala hadleen mar ay la kulmeen ganacsatada shidaalka ee uu ka midka yahay.


Sidoo kale, wuxuu sheegay in warqadii u danbaysay ee loogu sheegay in aanay shidaal keenin dalka ilaa xili la cayimay ay Madaxweynaha kala hadleen, isla markaana warqadaa iyo warqadii horreba meel iska dhigeen oo aanay waxba ka jirin, balse wixii ay hada isla qaataan ay soconayaan. sidaa uu sheegay gabacsade Cali Waraabe.


Dhinaca kale, Xukuumadda Xukuumadda Madaxweyne Musue Bixii oo aan la shaacin meel ay kaga noqotay go’aankeeda, ayaa digreeto ay soo saartay August 2018, waxay ku sheegtay in gebi ahaanba la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

Sidaa awgeed ay xukuumaddu gabi ahaanba dib ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.


Go’aanka oo ay Bulshadu si weyn usoo dhowaysay, ayaa loo arkay mid muujinaya tallaabo fiican oo xukuumaddu qaaday, walaw ay jireen dadka qaar inay ku degdegtay xukuumaddu go’aankaa, isla markaana uu yahay mid cid gaar ah loogu danaynayo.