U Malayn Maayp In Qoyska Madaxtooyaddu La Wareegayo Keenista Shidaalka Dalka

Hargeysa(ANN)-Cabdirisaaq Salaad Faarax oo ah ganacsade u dhashay Somaliland, isla markaana khibard iyo aqoon dheer u leh arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga, ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga Somaliland ee xilligan, marxaladihii uu soo maray iyo sida ay Somaliland dhaqaaleheeda u horrumarin lahayd.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Ganacsade Cabdirisaaq Salaad Faarax, dhibaatooyinka haysta ganacsiga iyo dhaqaalaha Somliland, isagoo tilmaamay sida arrimaha carqalada ku ah ganacsiga meesha looga saari lahaa oo uu xusay in haddii wax laga qabto ay wax weyn ka tarayaan koboca dhaqaalaha dalka , horrumarka ganacsiga iyo shaqo la’aanta ka taagan dalka.

Ganacsade Cabdirisaaq Salaad oo loo yaqaan (Cabdi Salaad), wuxuu muddo dheer xubin ka ahaa rugta ganacsiga ee Dubia, isla markaana wuxuu lasoo shaqeeyay shirkaddo iyo Comppeny waaweyn oo caalami ah, wuxuuna xilligan ganacsi ku leeyahay Somaliland oo uu ka sameeyay Wetshed soo saarta Caradda qaaliga ah iyo ganacsiyo kale oo shaqeeya,

Arrimahaa iyo kuwo kale oo ay ku jiraan shidaalka ay dhowaan xukuumaddu sheegtay inay iyadu dalka keenay iyo saamaynta u ku yeelanayaan shirkaddaha hore u keeni jiray shidaalka haddii ay xukuumaddu qaado tallaabadaa, ama sida ay saaamayn dhaqaale ugu yeelanay bulshadda, wuxuu kaga hadlay Barnaamijka Xogta  oo ka baxa Telefishanka Badda cas 24, wuxuu Barnaamijkaa oo uu su’aalo ku weydiiyay Tafaftiraha Telefishanka Badda Cas 24, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, kaga hadlay qorshayaal uu sheegay in uu diyaariyay iyo shuruuc lagama maarmaan u ah maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland.

Halkan ka Daawo

Barnaamijka Xogta Ganacsade Cabdirisaaq Salaad Faarax,