Araweelo News Network

faaraxdheereHargeysa (ANN) Siyaasiyiinta la baxay Garabka Toosinta iyo Caddaaladda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo biyo-diiday shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi dhawaan ku qabsaday Hargeysa ee lagu doortay murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa uga qaybgali doona doorashooyinka soo socda, ayaa shaaciyey in dacwadooda ay u gudbinayaan Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Axsinta Axsaabta Qaranka.
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad xisbiga WADDANI Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax Dheere) oo ka tirsan siyaasiyiinta ka cadhooday shirkoodii golaha dhexe, ayaa ka hadlay dariiqa ay u marayaan dacwadooda ka dhan ah habkii loo maamulay iyo natiijadii ka soo baxday shirka, taas oo uu xusay in aanay hadda gaynayn maxkamadda sare.
“Dacwadayada hadda ayaa loo gudbinayaa Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta, waxa weeye sida wax la isugu gudbiyaa qorshe ayey leedahay oo marka aannu la tashano Looyaradayada dhanka sharciga ayaan u gudbinaynaa Guddida Diiwaangelinta Ururrada, maxkamadda iyadu waa marka dambe haddii aannu ku qanciweyno wixii ay Guddida Diiwaangelinta soo saarto ama iyaga ayaa ka qaadan kara oo waa racfaan taasi, laakiin marka hore dacwadayada waxaannu u gudbinaynaa in aannu geyno Guddida Ururrada iyo Axsaabta Qaranka,” ayuu yidhi Xildhibaan Faarax Dheere oo la hadlay warbaahinta shalay.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee WADDANI waxa uu ku eedeeyey kooxda siyaasiyiintii Isbahaysiga KULMIYE ee dhawaan ku biiray WADDANI inay qaybta ugu wayn ku leeyihiin khilaafka xisbigooda soo kala dhexgalay, waxaannu yidhi, “Qayb ayey ka yihiin (Isbahaysigii Kulmiye ka baxay ee xisbiga Waddani ku biiray) oo waliba qaybta ugu weyn ayey ka yihiin, sababto ah guddoomiyuhu (Cirro) waxaabu u arkay inay raggani wax tarayo, laakiin waxa weeye tii ay madaxda ka ahaayeen ee ay hoggaaminaayeen bay wax tari lahaayeen haddii ay cid wax tarayaan, isagana waxba tarimaayaan.”
Waxa kaloo uu soo dhaweeyey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Maayar-ku-xigeenka Boorama oo labaduba shaaciyey cabasho ay ka qabaan xisbigooda WADDANI iyo inay ku biireen garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Axmed Muumin Seed.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo ku guuldarraystay jagada madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga oo uu u tartamayey, balse ku dooday in caddaalad-darro iyo eex lagula kacay, isla markaana hoggaaminaya garabka Toosinta iyo Caddaaladda, ayaa hore u sheegay inay dacwad u gudbinayaan Maxkamadda Sare ee Somaliland.