Garadag(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa oo ku guda jira socdaalka gobolada Bariga ee dalka, ayaa maanta gaadhay magaalada Garadag ee gobolka Sanaag, kadib markii ay xalay ku dhaxeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi oo safarkii u horeeyay ka maraya gobolada Bariga Somaliland, tan iyo markii uu doorashada Madaxtooyadda ku guulaystay 26 Jun 2017, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Degmada Garadag, halkaas oo Madaxweynaha iyo wefdigiisun uga sii gudbayaan dhinaca gobolka Sanaag.

Halkan Ka Daawo wefdiga Madaxweynaha oo maraya Garadag.