Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad garnaqsi ah ka jeediyay kulanka maanta ka dhacay dalka Djibouti ee la doonayo in lagu wada hadalsiiyo labada dalka ee Somaliland iyo Soomalaiya.

Madaxweyne Biixi iyo weftigii weheliyay oo halaka kaga qayb galay Kulan Afar Geesood ah oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Djibouti oo ay goob joog ka ahaayeen xubhaha dhinaca Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dublamaasiyiinta ka socda Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan Madaxweyne Biixi ayaa ka jeediyey shirka khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, taas oo ahayd mid garnacsi ah.

Wuxuuna Madaxweyne Biixi ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladnimadeeda, isagoo si cad u qeexay Dimuqraaddiyadda buuxda iyo Hannaanka Dawladdnimo ee daah-furan ee ay ku caano maashay Somaliland ee Nabada iyo Xasiloonida ay ku naaloonayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dib lasoo noqoshada gobanimadoodii luntay 1960, taas oo ay haatan dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sannadood.

Mr. Biixi, ayaa khu xardhay khudbadiisa in  shirka ay maanta isugu yimaadeen madaxda dalalka Geeska Afrika iyo wufuudda kale ee dunida kale ka socotay in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu muddo sannado ah usoo dhabar adaygayay in mar uun ay beesha caalamka iyo afrikaba ay garawsadaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday dalkooda, isla markaana shacbiga Somaliland in badan ay u dhegtaagayeen inay maqlaan waxa ay shacbiga Somaliland ka mudan yihiin addunida kale, xaqna ay u leeyihiin in ay helaan aqoon si buuxa, isagoo xusay in Somaliland muddo badan ay sugaysay madal sidan oo kale u furan ay garteeda iyo xuquuqdeeda ku sheegato.

Madaxweynayaasha dalalka Jamhuuriyadda Somaliland, Soomaaliya, Djibouti iyo ra’iisal wasaaraha Ethiopia, waxa ay xarunta madaxtooyada dalka Djibouti si wada jir ah uga beereen geed loogu magac daray geedka Nabadda Geeska Afrika.