Garoowe(ANN)- Xiisad dagaal, ayaa ka aloosan magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, taas oo ka dhalatay kadib markii xilka laga xayuubiyay maanta Guddoomiyihii Baarlamaanka ee maamulkaa, Cabdi Xakiin Dhoobo Daarood.


Xildhibaanada ayaa kasoo xaadiray madasha dhismaha Baarlamaanka, waxaana madasha fadhiyay 53 xildhibaan oo la weydiiyay codka xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha, iyadoo 49 ka mid ah aqbaleen, halka 4 mudane ka aamuseen, xil ka qaadista guddoomiyaha iyo weliba xubinimadii, ayaa sababtay in dhiig ku daato sidii guddoomiyaha xilka looga tuuri lahaa.


Ciidamada taageersan Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ilaalada Baarlamaanka ee taageersanaa Guddoomiyaha, ayaa dagaal dhexmaray, kaas oo sababay in 4 ka mid ahaa askarta Madaxweynaha daacada u ahaa ay ku dhintaan halkaa, sida ay sheegayaan sarakiisha Ciidanka.


Sidoo kale waxa ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qof shicib ah, waxaana arrintan ka dhashay xiisad colaadeed oo si weyn looga dareemayo Magaalada garoowe ee xarunta maamulka Puntland.


Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo ka hadlay dhacdadaa, ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay in uu ciidamo malayshiyaad ah goobta keenay, isla markaana ay ciidamada boolisku la dagaalameen sida sheegay.

Balse, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed, ayaa dhankiisa xukuumadda ku eedeeyey in ay ka dambaysay weerar xalay lagu qaaday hoolka Baarlamaanka maamulka Puntland, wuxuuna ku tilmaamay sida xilka looga qaaday mid aan waafaqsanayn sharciga u yaal maamulka Puntland ee dastuurka iyo xeer hoosaadka u yaal Baarlamaanka.


Madaxweyne Deni ayaa furay kalfadhiga baarlamaanka ee 26 Oktoobar halkaas oo uu kala kulmay su’aalo badan oo ka cadhaysiiyay, kuwaas oo ku khasbay inuu ka baxo dhismaha Baarlamaanka isagoo ka cadhaysan su’aalahaa kulul ee la weydiiyay, wuxuuna markaa kadib amar ku bixiyay in xasaanadda laga qaado mid ka mid ah xildhibaannada, Cawil Xasan Daad, kaas oo, si gaar ah , su’aalo habaysan oo madaxweynaha ka tuuray xasilloonida iyo deganaanshaha ku weydiiyay fadhigaa.


Baarlamaanka, ayaa ku gacan-saydhay in xildhibaankaa laga qaado xasaanada, waxayna arrintaa sababtay in Madaxweyne Deni soo qorsheeyo in Guddoomiyaha Baarlaamka xilka laga qaado, taas oo maanta la fuliyay, walaw uu dhiig ku daatay oo guddoomiyuhuna sheegay in aanay sharci ahayn.

Arrinta xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ayaa abuurtay xiisad colaadeed, waxaana magaalada Garoowe laga dareemayaa xaalad qasan, waxaana la xidhay Waddooyinka ugu muhiimsan magaalada.


Dhinaca kale wararka ka minaya deegaanka Bariga Gobolka Sanaag oo guddoomiyaha xilka laga qaaday kasoo jeedo, ayaa laga soo sheegayaa in malayshiyaad ay isku deegaan yihiin guddoomiyaha ay kusii jeedaan magaalada garoowe, kuwaas oo doonaya inay u muujiyaan taageero.