Araweelo News Network

Nairobi(ANN)-Gudoomiyaha Maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya Mr. David Maraga iyo saddex ka mid ah garsoorayaasha la shaqeeya, ayaa galay garsoorka guud ahaan waddamada qaaradda Afrika oo dhan, kadib markii ay sameeyeen arrin taariikhiya oo ah inay waxba kama jiraan ka dhigeen doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalkaas bishii August ee sannadkan 2017.

Mucaaradka ayaa soo dhoweeyey arrintaas, laakiin madaxweynaha iyo xisbigiisa Jubilee waxay go’aankaas ku tilmaameen mid “afgembi dhanka garsoorka ah.”

Hadallo u muuqday hanjabaad ayaa madaxweyne Uhura iyo ku-xigeenkiisu ay ka jeediyeen fagaarayaal kala duwan. Balse hadalladaas ayaa si weyn loo dhaliilay.

Waaxda Caddaaladda ee Kenya ayaa ka madaxbannaan xafiiska madaxweynaha iyo qaybta fulinta. Maraga oo shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay “inuu u dhimanayo difaaca sharciga Kenya.”

Go’aankii garsoorayaasha wuxuu ahaa mid lama filaan ah oo aan horey uga dhicin Afrika. Waa markii ugu horreysay oo mucaarad ay ku guuleystaan kiis maxkamadeed oo ka dhan ah madaxweyne xilka haya, dunida oo dhanna waxay ahayd markii afaraad oo ay ka dhacdo in maxkamad xukunto in doorasho madaxweyne lagu noqdo.
Dad badan oo Kenya iyo Afrika ku nool ayaa ammaanay go’aankaas, waxayna ku tilmaameen in arrintaasi kalsoonida waaxda caddaaladda soo celisay.

Qaar ka mid ah wargeysyada Kenya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku qeexay shaqsi daacad ah.

Waqtigii uu u tartamayay shaqada hadda uu hayo wuxuu dadkii wareysanayay u sheegay in aannu weligii qaadan laaluush
Si lama filaan ah ayuu xilligaasi uga yaabiyey dad badan, kadib markii uu istaagay, kuna dhaartay in aannu laaluush qaadan doonin inta uu nool yahay.

‘Ma aha mashruuc dawladeed’

Garsoore Maraga oo ah 66 jir, waxa uu jaamacadda sharciga ka qallin-jebiyey 40 sanno ka hor, kadib ayuuna bilaabay in uu ka shaqeeyo arrimaha sharciga iyo maxkamadaha.

Wuxuu garsoore maxkamadeed noqday 2003-dii, kadib wuxuu ku biiray maxkamadda racfaanka sannadkii 2012-kii.
Waa xaasle, wuxuuna dhalay saddex carruur ah.

Sannadkii tagay ayuu 10 garsoorayaal kale uga guuleystay tartan ay u galeen shaqada garsooraha ugu sarreeya maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya.

Laakiin, horraantii sannadkan waxa lala xidhiidhinayey ninka u magacaabay shaqada oo ah madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Mr Kenyatta, xilligii uu ololaha u tagay magaalada uu ka soo jeedo Maraga, wuxuu dadka u sheegay in ay u codeeyaan, maadaama wiilkooda uu shaqo siiyey.

Balse Garsoore Maraga iyo waaxda cadaalladda waxay sheegeen “in aannu ahayn mashruuc dawlad sameysatay.”

Madaxweyne Kenyatta ayaa xilli hore sheegay in uu u hoggaansami doono haddii maxkamaddu go’aamiso in doorashada lagu noqdo.
Hase yeeshee, hadda wuxuu su’aal gelinayaa “sbabta lix qof ay u diideen waxa ay rabaan malaayiin qof oo shacabka Kenya ka mid ah.”
Sidoo kale, wuxuu dhowaan sheegay in “ajaaniib iyo doqomo kale lacag siiyeen” garsoorayaasha maxkamadda.

“Maraga iyo budhcadiisu waxay diideen doorashada. Hadda ma ahi madaxweynaha la doortay. Waxaan ahay madaxweynaha rasmiga ah. Maraga waa in uu ogaadaa inuu hadda la shaqeynayo madaxweynaha shaqada haya,” ayuu yidhi Kenyatta.

Inkastoo uu handadaad badan jeediyey Uhuru Kenyatta, haddana ma awoodo in uu shaqada ka ceydhiyo garsoore David Maraga, kaas oo shaqadiisu dhammaaneyso marka uu 70 jir gaadho.