Araweelo News Network

xaruntawargeyskaloodiidayHargeysa (ANN) Garsoore Sheekh Idiris Axmed Muuse oo ka tirsan Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ahna xaakimka ka garnaqaya dacwad uu mulkiilaha wargeyska Haatuf Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe ku soo oogay Wasaaradda Daakhiliga Somaliland, ayaa askar bilays ah iska hortaageen inuu galo xarunta wargeyskaas xayiran gelinkii hore ee shalay.
Askarta ayaa is-hortaaggooda garsooraha u cuskaday in aanay madaxdooda ka haysan amar fasaxaya gelista xarunta Haatuf oo ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo albaabada u xidhay bishii April ee sannadkii 2014-kii.
Dacwadda ka dhanka ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhegaysigeedu bilaabmay Isniintii hore, ayaa mulkiilaha wargeysyada Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-carabi Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe kaga codsaday Maxkamadda in xarunta wargeykiisa laga dulqaado ciidanka xukuumaddu ku wareejisay, isla markaana dawladdu bixiso khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay xayiraaddaas oo uu ku dooday inay tahay sharci-darro.
Dacwadan waxa dhinaca muduciga uga wakiil ah labada qareen ee kala ah Cismaan Askar iyo Xasan Cali Xasan, halka dhinaca xukuumadda uu metalayo xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland.
Ilaa waqtigii ay xilka qabtay xukuumadda KULMIYE sannadkii 2010-kii, waa markii labaad ee maxkamadaha Somaliland ay ka garnaqaan dacwad magdhaw ah oo xukuumaddu eedaysane ka tahay, taasoo la filayo inay dareenka bulshada aad u soo jiidato.
Wargeyska Haatuf ee lagu qori jiray luqadda Soomaaliga, ayaa Maxkamaddu ku riday xukun ay ku baabi’inayso ruqsaddii uu kusoo bixi jiray 25 June 2014, iyadoo Maxkamaddu ku eedaysay inuu caadaystay cayda masuuliyiinta qaranka.

Maxkamadda oo uu xilligaa guddoominayey garsoore Asad Nuur, waxa kaloo ay xadhig saddex iyo afar sannadood kala ah ku xukuntay mulkiilaha wargeyska Haatuf Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifatirihiisii Axmed Cali Cige.
Inkastoo qaraarka Maxkamadda ee ruqsad kala noqoshada uu khusaynayey wargeyska Haatuf ee Af-soomaaliga ku soo bixi jiray, haddana xukuumadda Somaliland laga bilaabo April 2014-kii waxay xayirtay labada wargeys ee The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-carabi.