gaadhiga la gubay
Gebilay(ANN) Gudoomiyii Dhalinyarada Gobolka Gabiley Cabdiqaadir Muuse Cilmi, ayaa la gubay gaadhi uu lahaa. Kadib markii shalay isaga iyo koox kale oo dhalinyaro ah ay shaaciyeen inay ku gacansaydheen go’aan la xidhiidhay siyaasiyiin u dhashay deegaanka Woqooyiga iyo Galbeedka Haregysa oo guddi ku dhawaaqday.

 

 

Cabdiqaadir Muuse Cilmi Ayaa Xalay Warbaahinta Ku Soo War Galiyay In Ay Bari (Maanta) Ay Ku Dhawaaqayaan Goobta Iyo Goorta Uu Dhacayo Shirku In Ay Kaga Dhawaaqayaan Shir Jaraa’id Qaban Doonaan Subaxnimada Oo Ay U Yimaadaan, Balse Abaaro 02:30 Habeenimo, ayaa la Gubay Gaadhigii Uu Lahaa Oo Noociisu Ahaa Crown Madow, kaas oo Lagu Gubo Aqalkiisa Horteeda, iyadoo aan weli la aqoonsan cidda gubtay gaadhigaa iyo sababta loo gubay oo ay Ciidanka Boolisku baadhayan dhacdadaa.

Weriyayaal Booqday Meesha Gaadhigani Lagu Gubay, ayaa la Kulanay Gudoomiye Cabdiqaadir Oo Jooga Meeshii Lagu Gubay Gaadhigiisa, wuxuuna sheegay in aanu garanayn cidda gubtay iyo sababta loo gubay gaadhigiisa, balse wuxuu ku tilaamamay arrintaa mid siyaasad ah oo lagga diidan yahay fekerkiisa, isla markaana la doonayay in lagu Curyaamiyo oo lagu hakiyo shirka uu sheegay inay qabanayaan.
Mar wax laga weydiiyay sida loo gubay Gaadhiga iyo inuu hayo caddaymo, wuxuu sheegay in aanu iska guban Gaadhigu ee la gubay, isla markaana Qofkii Gaadhiga Gubay Muraayadda danbe jebiyay, markaa ka dibna lagu shubay Batrool oo dab la qabadsiiyay, sidaana uu ku baxsaday qofkii, ama dadkii falkaa geystey oo ay goobta kaga tageen Caagadda lagu soo shubay Batroolka iyo Baanaddo oo ay Booliska u dhiibeen, isagoo uga mahad celiyay Ciidanka Booliska gurmadka ay usoo sameeyeen.