Addis Ababa(AN)-Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise oo ku magac dheeraa ‘Singub’,  isla markaana ka mid ahaa Abwaanada ugu magaca weyn Soomaalida, aya maanta ku geeriyodoy Cisbitaal ku yaal magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Allah ha u naxariistee Abwaanka,  sannadii u danbeeyay la daalaa dhacayey xanuunka macaanka iyo dhaawac la sheegay in uu lugta ka soo gaadhay mar uu ku sugnaa Sacuudiga oo uu Cumro u tagay.

Abwaan Singub ayaa hilaaddii 1943-dii ku dhashay magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uu Ifka kaga tagay 23 carruur ah iyo 2 xaas.

Waxa uu fanka kusoo biiray isagoo da’yar , halkaas oo uu ku bilaabay ciyaarta dhaantada oo uu aad ugu soo caan baxay.

Bilowgii sannadkii 1961,  wuxuu u tegey magaalada Hargeysa oo uu muddo kooban Joogay, wuxuuna mudda yar kadib u wareegay magaalada Muqdisho.

Abwaan Sangub, wuxuu ahaa hal-abuur caan ku ahaa samaynta riwaayadaha iyo curinta heesaha, isagoo mudadii uu fanka Soomaalida ka dhex muuqday sameeyay heeso iyo riwaayado badan oo caan baxay, waxana si weyn loogu xusuustaa Riwaayadii caanka noqotay ee “Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna waa Matalayaan, Qabrigii Jacaylka, Xuskii Jacaylka , Xuudbaa liqay Jacaylka , iyo Qabyo oo uu sameeyey burburkii kaddib.

Sidoo kale riwaayadaha Xorriyo , Maadays , Gari makaa baxdaa (Ninba Tacabkii Talooy Kaa Maal) , iskuma Qaddo , Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay, Yaxaas Dhagaduub, Halkay Qoontu Taal Takhtarkii Qali Waa , Ummad Wada Qorqodo ah baan Wax u Qeybi Leeyahaye iyo kuwa kale sida Afrikaay Hurudooy.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub, ayaa mar noqday maamulaha Tiyaatarka Hargeysa, wuxuuna ka mid ahaa hal abuuradii ugu caansanaa ee taariikhda fanka Soomaalida soo mara, waxa uu sanadihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo uu ka sameeyay koox la yidhaahdo Deegaan kuwaas oo masraxyada la isugu yimaado ka dhiga heeso iyo riwaayado dhamaantood ka tarjumaya in dib loo dhiso Soomaaliya lagana gudbo kala qaybsanaanta.

Abwaan Singub,  ayaa burburkii kaddib ku noolaa dalka Djibouti, ka hor intii aanu dalka Maraykanka ka iman, waxaana kusoo dhaweeyey dalka Djibouti, Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle, balse wuxuu Abwaanku muddooyinkii danbe u wareegay magaalada Muqdisho, wuxuuna noqday mar guddoomiyaha golaha Abwaanada Soomaalida.

Abwaanka labaad ee Soomaali ugu riwaayadaha badan, ayaa lagu tilmaami jiray, halka uu Abwaan Axmed Saleebaan Bidde aha ka ugu riwaayadaha baddan abwaanada.

Sidoo kale Sangub, ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa abwaan suugaantiisu ay Soomaaliya dhaafsiisnayd, taas oo u badnayd gumaysi diid iyo mid uu ka sameeyey xornimo doonkii Afrika.