Marxuum Siciid Cabdi WarsameCeergaabo(ANN)Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Guutada Sadexaad ee Koofiyad Casta Gobolka Sanaag Gaashanle sare Marxuum Siciid Cabdi Warsame ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay tacshiirad rasaas ah oo uu la beegsaday Askari dable ah oo ka tirsnaa Ciidanka qaranka Somaliland. Kadib markii uu xalay ku toogtay goob maqaaxi shaaha laga cabo oo bulshadu ku kulanto, taas oo ku taal badhtamaha magaalada Ceergaabo.
Ninka Fuliyay dilkaa, ayaa goobta ka baxsaday, wuxuuna tacshiirada rasaasta ah kala eegtay Taliyaha labada gamcood, iyadoo dhaawaciisa loola cararay Cusbitaalka Ceergaabo ee gobolka Sanaag, balse nasiibdaro wuxuu u geeriyooday dhaawaca. Kadib markii uu waayay adeeg gurmad caafimaad, iyadoo Irbada dhiig-joojinta laga waayay Cusbitaalka. Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay Idaacada BBC-da laanteeda Afsoomaaliga.
“Geerida Sarkaalkaa oo magac iyo maamuus ku lahaa qaranka iyo Ciidankaba waa mid aan ka murugoonayno, waana canbaaraynaynaa falkaa, waxaase nasiirdaro ah in gobolka dhan laga waayo irbad dhiig-joojin ah, waxaa la waayay shaqaale caafimaad oo heegan ah iyo Ambalace , waxaana usoo jeedinaynaa wasaaradda Caafimaadka in baadhitaan lagu sameeyo sababta gobolka dhan looga waayay dhiig joojin iyo gurmad caafimaad” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland.
Wasiir Cadami, wuxuu sheegay inuu lagu daba jiro gacan ku dhiiglihii falkaa geystay oo sharciga la marinayo sida kuwo horeba loo mariyay, wuxuuna Tacsi u diray qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Siciid Cabdi Warsame.
Toogashooyinka Saraakiisha ayaa mudooyinkan kusoo noq noqtay ciidanka Somaliland, waxaana marar baddan dhacday Askari toogtay Taliyihiisii, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn sababta ay arrimahan usoo laabanayaan.
Dhinaca kale Dilka Taliyaha u danbeeyay oo ka dhacay Magaalada Ceergaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, ayaa kashiftay heerka adeegyada Caafimaad ee gobolka, iyadoo la waayay Irbad dhiig joojin ah markii dhaawacu soo gaadhay Taliyaha ka hor intii aanu geeriyoon. Sidoo kale waxay Geerida marxuum Siciid Cabdi Warsame kashiftay inuu jirin gurmad caafimaad iyo gaadiid Ambalace , taas oo daaha ka fayday dhibaatada adeegyada aasaasiga ah ee deegaanada Bariga Somaliland, kuwaas oo ka ooman Adeegyada Caafimaadka, waxbarashadda iyo gebi ahaanba adeegyada aasaasiga ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.