Marxuum Axmed xasan cawke

Marxuum Axmed xasan cawke

Hargeysa(ANN)Allah ha u naxariistee Weriyihii caanka ahaa ee BBC-da Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga habeen hore, ayaa shalay Aas qaran loogu sameeyay Magaalada Wajaale oo uu ku dhashay.
Madaxda Somaliland iyo Masuuliyiinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyi sidoo kale kumanaan qof oo bulshada Somaliland iyo kuwa deegaanka Soomaalida Ethiopia ka mid ah, ayaa ka qaybgalay Aaska Marxuumka oo si weyn looga wada murugooday.

Madaxweyenaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, Hoggaamiyaaysga kale ee Axsaabta Somaliland , Madaxwaynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin kale, ayaa dhanbaalo Tacsi ah kasoo diray geerida Marxuum Axmed xasan Cawke oo ahaa Suxufi Ruug-cadaa caan ah oo geyiga Soomaalida si weyn loo yaqaanay.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, isla markaana ah musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Doorashada 2017, Muuse Biixi, ayaa ka mid ahaa madaxda Somaliland ee ka qaybgalay Aaska Marxuumka.
Taariikh nololeedkii Marxuumka oo koobsaday dadnimo, shaqo wanaag iyo dabeecad fiican oo uu ku sifaysnaa
Wajaale (Jam)- Alle ha u naxariistee weriyihii caanka ka ahaa geyiga Soomaalidu degmo Marxuum Axmed Xasan Cawke, ayaa aas qaran loogu sameeyey magaalada Tog-wajaale ee xuduudka Itoobiya iyo Somaliland, kadib markii uu si kedis ah ugu geeriyooday xannuun ku soo booday waaberigii Salaasadii shalay isagoo ku sugnaa magaalada Jig-jiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Aaska Marxuum Cawke oo galinkii dambe ee shalay ka dhacay halkii uu ku dhashay ee Koonfurta magaalada Wajaale dhinaca xadka Itoobiya, waxa ka qaybgalay masuuliyiin fara badan oo ka kala tirsan Somaliland iyo Ismaamulka Kilalka Shanaad, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyayaasha axsaabta siyaasadda, wasiirro iyo madax kale iyo kumanaan qof oo isaga kala yimi magaalooyinka Hargeysa, Gabilay, Jig-jiga, Boorama iyo meelaha kale ee laga soo gaadhi karayeyba, waxaanna halkaasi lagaga hadlay taariikhdiisii iyo kaalintii haldoorka saxafinimo ee uu ku dhex lahaa dadka Afka Soomaaliga ku hadla.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa geerida Marxuumka ka tacsiyadeeyey guud ahaan dadka Soomaalida ah, gaar ahaana kuwa reer Somaliland, qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi uu diray kadib ka warramay aqoontii uu u lahaa Axmed Xasan Cawke, waxaannu yidhi, “Axmed Xasan Cawke, Yoonis Cali Nuur, Siciid Cali Muuse iyo Maxamed Maxamuud Ducaale, waxaannu isugu nimi dugsigii Camuud ee Boorama sannadkii 1966 iyo 1967, aniga iyo Cawke isku fasal baanu ahayn oo waqtigaa ilaa maanta (shalay) oo uu dhintay inta badan aannu wada joognay, muddadaa dheer ee aan aqaanay oo ilaa afartan sanno ah weli Axmed Xasan oo cid la kala hayo maan arag, wuxuu ahaa addoon Ilaahay siiyey dabeecadda dadka iyo xidhiidhkooda, mar walba farxaan ah, cid walba raaligelinaya, taasina waa ta uu ku kasbaday maanta in wixii Af-soomaali yaqaanna oo dhan qof waliba dareemayo inuu isaga la saaxiib ahaa, wuxuu ahaa nin intii uu noolaa u soo shaqeeyey ummadda Soomaaliyeed afkeeda, is dhexgalkeeda iyo wada xidhiidhkeeda.”
Suxufiga Yoonis Cali Nuur oo aqoon ardaynimo iyo wadashaqayn ilaa kontan sanno ah u lahaa Marxuum Cawke, ayaa isna xabaasha dusheeda kaga sheekeeyey shakhsiyaddiisii, “Axmed wuxuu ahaa nin Ilaahay aftahamo ku siiyey xagga idaacadaha iyo telefishannada, wuxuu Alle hibo u siiyey hadalka, codka, wax jeedinta, akhrinta iyo madadaalinta, marka laga reebo Alle ha u naxariistee Mustafe Xaaji Nuur dadkii idaacadaha soo maray Cawke wuxuu ahaa weriyihii qarniga ayaan odhan karaa. Waxa kaloo uu ahaa nin bulshaawi ah oo dadka wada dhexgala maaha madaxda iyo kuwa wax haysta uun ee dadka caadiga ahi umay kala duwanayn,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, weriye Cabdisalaan Hereri oo ilaa labaatankii sanno ee u dambeeyey ay saaxiib iyo shaqo wadaag ahaayeen Marxuumka, ayaa tilmaamay wixii ka yaqaanay sidan; “Axmed Xasan Cawke wuxuu ahaa weriye aad u wanaagsan oo xirfaddiisa aad ugu fiican, weriye la odhan karo wuxuu ka tilmaanaa weriyayaasha kale ee Soomaalida ayuu ahaa hadday codkiisa noqoto iyo hadday barmaamij kastoo uu jeedinayo sidii uu ugu fiicnaa ahaydba, wuxuu ahaa nin magaciisu jaal la ahaa oo la joogay dadka Soomaalidu meel kastoo ay joogaan.”
Suxufiga ruug-caddaaga ah ee Siciid Cali Muuse oo ay isku arday ahaayeen, muddana soo wadashaqeeyeen, ayaa isna yidhi, “Marxuumku wuxuu ahaa qof inta uu wanaagsan yahay qof wanaagsan, wuxuu ahaa nin bashaash ah, farxad badan, qosol iyo sheeko badan oo meel walba oo uu joogo la dareemayo, Ilaahay wuxuu siiyey hibo cod, karti shaqo iyo dadaal badan oo uu galin jiray hawlaha shaqo.”
Taariikh Nololeedkii Marxuum Axmed Xasan Cawke oo kooban
Wariye Axmed Xasn Cawke wuxuu ku dhashay magaalada Tog-wajaale oo ku taal xadka Itoobiya iyo Somaliland kala qaybiya, waxa hadda da’diisa lagu sheegay inuu ahaa ilaa 73-jir, shaqadiisii u horreysay wuxuu ka bilaabay Radio Muqdisho sannadkii 1972-kii, wuxuu si wayn ugu soo shaac-baxay barmaamijyadii ka bixi jiray sida ciyaaraha iyo madadaallada, waxa kaloo uu ka shaqeeyey telefishankii Qaranka Soomaaliya, sannadihii siddeetamaadkii waxa uu noqday Afhayeenkii Madaxweynihii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre oo la shaqaynayey ilaa markii la riday.
Sannadkii 1996-kii ayuu mid noqday suxufiyiintii ka shaqaynayey Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da oo uu joogay muddo dheer, kadibna wuxuu ku biiray Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda codka Maraykanka VOA–da, balse muddo ku dhaw sannad uu la shaqaynayey, wuxuu u wareegay dhanka telefishannada gaarka loo leeyahay oo ay ka mid yihiin; Raad TV, Universal TV, Horn-Cable TV iyo Somaliland TV.
Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka kaga tahay lix carruur ah iyo xaas, kuwaas oo badankoodu ku nool yihiin dalka dibaddiisa.
Madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Cawke, uu baal dahab ah ka galay taariikhda ummadda Soomaaliyeed.

TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbiweynaha Somaliland, waxgaradka, waayeelka, boqorrada, Ugaasyada, Sallaadiinta, Cuqaasha, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo gaar ahaan Bahda Saxaafadda, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Itoobiya, gaar ahaan Magaalada Jig-jiga taariikhdu markay ahayd 17 November 2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somaliland-ba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhammaan Bahda Saxaafadda meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Jannatu Fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda, Waxgaradka, waayeelka, Boqorrada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, qoyska, ehelada, qaraabada, Asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Tacsida uu diray Guddoomiyaha KULMIYE
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafadda, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi weriye marxuum Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya (17/11/2015).
Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay marxuum Axmed Xasan Cawke rukun wayn oo ka baxay guud ahaan dadka luuqadda Afka Soomaaliga ku hadla iyo guud ahaan Gobolka, kaas oo ahaa hal-abuure waxtar muhiim ah ku soo kordhiyey warbaahinta Af-soomaaliga ku hadasha.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabkana inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Tacsida uu Diray

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa, Ka Golaha Wakiillada, hoggaanka xisbiga WADDANI, guddida fulinta, golaha dhexe, garabadda haweenka iyo dhallinyarada iyo dhammaanba afka taageerayaasha xisbiga WADDANI,
waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba guud ahaan shacbiweynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, Asxaabta iyo gaar ahaan Bahda Saxaafadda, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia, gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somaliland-ba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacanna u ahaa dhammaan Bahda Saxaafadda meel ay joogaanba.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Jannatu Fardawsa ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo Bahda Saxaafadda, shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale

Sheekh Aadan Siiro oo Shacabka ka Tacsiyadeeyay Geerida Axmed Xasan Cawke iyo Axmed Ibraahim Saacadaale

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa hal-doorka Saxaafadda Soomaalida oo subaxnimadii shalay ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu safar shaqo ku joogay, isla markaana lagu aasay Magaalada Tog-Wajaale.

Sheekh Aadan-Siiro oo safar ku jooga dalka Hindiya oo la soo xidhiidhay Warbaahintu, waxa uu marxuum Axmed Xasan Cawke ku sifeeyay qof shaqo badan u soo qabtay ummadda Soomaaliyeed muddadii dheerayd ee uu ka shaqeynayey Mihnadda Saxaafadda, isla markaana sidii hufnayd ee uu uga soo shaqeeyay Hay’adaha
Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa Caalamiga ah uu kasbaday magac iyo sharaf.

Sheekhu wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka, carruurta, qaraabada, Saxaafadda iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Sheekh Aadan-Siiro waxa uu tacsi taas la mid ah u diray ehelka iyo qaraabada iyo Shacabka Somaliland iyo Jabuuti ee uu ka baxay marxuum Ganacsade Ibraahim-dheere oo toddobaadkii hore lagu aasay dalka Jabuuti, waxaanu marxuumka ku tilmaamay shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay horumarka dhinacyada badan leh ee ka hirgalay Somaliland, isla markaana wakhtiyadii adkaa ee la unkayey dhismaha dawladnimada Somaliland uu xoog iyo xoolaba ku bixiyey.

Sheekhu waxa kaloo uu tacsi u diray marxuum Axmed Ibraahim Saacadaale (Axmed-saaco) oo isaguna ku geeriyooday Hargeysa, laguna aasay xabaalaha Xeedho shalay.

Sheekhu wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka, carruurta, qaraabada iyo ummadda uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo…Aamiin..Aamiin

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Tacsida Shirkadda Dahabshiil

Tacsi Tiiraanyo Leh

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi
Raajicuun
Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group (Maxamed Siciid Ducaale), Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group (Cabdirashid Maxamed Siciid), dhammaan Maamulka Xarunta Shirkadda Dahabshiil, dhammaan Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil iyo dhamman Wakiillada Shirkadda Dahabshiil waxa ay tacsi u dirayaan ehelka, qaraabada, iyo shacabkaba. Geerida ku timid Allaah ha u naxariistee marxuum Axmed Xasan Cawke oo Xalay (16 November, 2015) ku geeryooday Magaaladda Jigjiga, DDSI, waxaanay Ilaahay uga baryayaan marxuumkaasi in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Tacsida madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray shacabka, qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa hawlwadeennada kaalinta weyn ka soo qaatay saxaafadda Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun, marxuum Cawke waxaa uu ka baxay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtay intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan AllAah ka siiyo’’, ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa uu door weyn ka soo qaatay, shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey Wasaaradda Warfaafinta, Madaxtooyada Soomaaliya, idaacadaha caalamiga iyo kuwa maxalliga intaba.

Marxuumka ayaa xalay (habeenkii Salaasada) saq dhexe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun

 

Sidoo kale waxa Tacsi taas la mid ah diraya Tafaftiraha Shebekada Araweelo News Network Carraale Maxamuud Jaamac, weriyayaasha iyo dhamaan hawlwadeenada Araweelo News Network, waxayna tacsi u dirayaan ehelka, qaraabada, iyo shacabkaba. Geerida ku timid Allaah ha u naxariistee weriyihii Caanka ahaa, marxuum Axmed Xasan Cawke oo 16 November 2015 ku geeryooday Magaaladda Jigjiga, DDSI, waxaanay Ilaahay uga baryayaan marxuumkaasi in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun