“Gerhard Schroder, wuxuu u arkaa qodobada aasaasiga ah ee iskahorimaadka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka”

Araweelo News Network.

Schroder ayaa marar hore ku tilmaamay dagaalka mid khalad ah, oo Ruushku geystay

“Mawduuca xubinnimada NATO ee Ukraine, waxay Angela Merkel iyo wasiirkeeda arrimaha dibadda Frank-Walter Steinmeier 2008 qaateen xilligaa go’aan wanaagsan oo caqligal ah, kaas oo ahaa si looga hortago Ukraine inay ku biirto NATO.” Sidaa waxa yidhi, Hogaamiyihii hore ee Jarmalka Gerhard Schroder oo toddobaadkan la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay saaxiibo dhow yihiin.

Laxidhiidha: Hoggaamiye Jarmal Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Tegey Xilli Labada Dal Fiintu Dhexmiranay

“ Xitaa madaxweynaha Volodymyr Zelenskyy, wuxuu sheegay in ay jirto beddel kale, sida dhexdhexaadnimada hubaysan ee Ukraine, iyada oo aan xubin ka ahayn NATO, sida Austria”ayuu raaciyay.

Waraysi uu siiyay majaladda Stern iyo idaacadaha RTL/nTV, kaddib booqashadiisa Moscow ayuu ku sheegau in uu aaminsan yahay in heshiiskii dhawaan ay gadhwadeenka ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga ee lagu ogolaaday dhoofinta Hadhuudhka Ukraine la mariyo Badda Madow ay noqon karto tallaabadii ugu horeysay ee wadahadalo xabad joojin ah, balse labada dhinac midkoodna ma sheegin arrintaa.

Gerhard Schroder, wuxuu u arkaa qodobada aasaasiga ah ee iskahorimaadka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka inay yihiin kuwo la xallin karo, wuxuuna sidaa ku sheegay wareysiga, Ma shaqayn doonto wadahadal la’aan labada dhinac, ayuu yidhi, Kaddib kulan kale oo uu la yeeshay madaxa Kremlin-ka Putin, waxa uu hubaa in Moscow ay doonayso in ay wadahadlaan, ayuu raaciyay.

Schroder ayaa marar hore ku tilmaamay dagaalka mid khalad ah, isagoo mar kale ku tilmaamay dagaalka in uu yahay “qalad ay geysatay dowladda Ruushka oo ndhihiisa ku arakay dhibaatooyinka, sida dhabta ah ee khuseeya” waa la xallin karaa. “Fikirka ah in madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu dib u qabsan doono Crimea si millateri ah waa wax aan macquul ahayn. Marka laga reebo tirada yar ee Tatar, gobolkani waa Ruush.” Ayuu yidhi.

“Dawladii hore ee Soofiyeedka iyo hogaamiyaha xisbiga Nikita Khrushchev ayaa siiyey Crimea Ukraine, oo markaas ka mid ahayd USSR.” Tan waxaa lagu xalin karaa “waqtiga, laga yaabee in aannay ka badneyn 99 sano sida Hong Kong, laakiin jiilka soo socda waa macquul, ayuu yidhi, Gerhard Schroder oo la hadlayay arrinta gobolka Crimea oo Ruushku la wareegay 2014.

Hase yeeshee Gerhard, ayaa ku tilmaamay xaalada Donbass mid aad u adag. Heshiiska Minsk, tusaale ahaan, waxaa lagu heshiiyey in gobolka “waa inuu ahaado qayb ka mid ah dawladda Ukraine”, “laakiin waxaa jira xuquuqo waaweyn oo loogu talagalay dadka laga tirada badan yahay ee Ruushka, kuwaas oo sida uu sheegay ay xitaa Ukraine baabi’iyeen laba luuqadood ee Donbass, markaa xalka ku salaysan halkaa wa in la helaa qaab goboleed.”

Gerhand ayay saaxiibo dhow yihiin Madaxweyne Putin, laakiin siyaasada uu ka nasatay ayaa saamayn ku leh xidhiidhkooda iyo doorkiisa xilligan mushkialda, wuxuuna marar badan cambaareeyay dagaalka. “Laakin ka fogaanshaha shakhsi ahaaneed ee Vladimir Putin runtii qofna wax wanaagsan ma u samayn karaa?” ayuu waydiiyay, weriyaha, isagoo yidhi, “Go’aamo ayaan qaatay, waana ku garab taaganahay iyaga (Ruushka), waxaanan caddeeyay: laga yaabee inaan mar kale faa’iido u yeelan karo. Haddaba maxaan raaligelin ka bixinayaa, ayuu raaciyay, isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhidihay inuu canbaaraynta dagaalka ee Ruushka ka bixinayo raaligelin.

Siyaasigan oo ahaa hoggaamiye magac weyn ku leh dalka Jarmalka, ayaa ka tirsanaa xisbiga Bulshada Dimuqraadiga ah (Social Democratic Party of Germany), sidoo kale, wuxuu soo qabtay xilka ra’iisal wasaaraha Jarmalka intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2005, waxa uu dib u helay sumcad casri ah isaga oo adeegsanaya mansabyadiisa murranka badan dhaliyay ee guddiyada shirkadaha tamarta ee dawladda Ruushku leedahay, taas oo usoo jiiday dhaleecayn.

Gerhard Schroder, ayaa madax u ah guddida shirkadda dhuumaha ee Nord Stream, iyadoo Ruushku hakiyay dhowaan dhunta Nord Stream 1, taas oo gaasta u gudbisa dalka Jarmalka, waxaana la filayaa cabsidii dalka Jarmalka ee qorshaha Ruushku ku doonayo inuu joojiyo shidaalka Yurub oo xaaladda ugu werwerka baddan ahayd inuu wax ka taro .

Muuqaalo warbaahintu soo tebisay, ayaa laga rakayay Schroder oo si weyn loogu soo dhowaynayo Moscow, isagoo Madaxweyne Putin si kalgacal ka muuqdo u qaabilay oo salaam laabta lay geliyay, iyadoo sidoo kale muuqaalada laga arkayay Madaxweyne Vladimir Putin oo aan lagu aqoon qosol iyo dhoola-cadayn oo markii ay kulmeen siyaasiga Jarmalka ah ee Gerhand ay wada qoslayaan, taas oo kulankooda u muujisay mid farxad iyo xiisa gaar ah lahaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com