Araweelo News Network

Sh. Ismaaciil Dheeg

Ceel-Afweyn(ANN)Ergooyinka nabadaynta ee ku sugnaa deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag OO muddooyinkan ku sugnaa deegaankaa, ayaa soo afjaray colaada sannadihii u danbeeyay ka taagnayd halkaa, iyagoo maanta shaaciyay go’aamada laga soo saaray colaada dadka deegaanka qaarkood u dhaxaysay.

Madasha lagaga dhawaaqay go’aamada lagusoo afjaray colaada waxa goob joog ka Ahaa dhunacyada colaadu u dhaxaysay, xukuumadda Somaliland oo Madaxweyne ku xigeenka, wasiirka Arrimaha gudaha, hoggaamiyayaasha axsaabta xisbiyada mucaaradka Iyo xidhiyaasha labada dhinac ay ku sugnaayeen.

Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ka mid ah guddida Culimada ah ee halkaa u joogay daminta iyo soo afjarida colaada, ayaa madashaa ka akhriyay go’aamadii ay soo saareen, kuwaas oo uu sheegay in ay labada dhinac la qaateen.

Halkan ka dhegeyso go’aamada oo la yeedhinayo.